Burco: Tooray lagu Dhaawacay Xildhibaan ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Maamulka Gobolkaas oo ka hadlay
Burco 12.April 2014 (SDN)- Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa maanta agu tooriyeeyay magaalada Burco iyadoo la sheegay in xildhibaanka uu soo gaadhay dhaawac halis ah oo ay sababtay toorayda oo meelo kala duwan oo halbowle ah kaga dhacday.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo wax laga Weydiiyay dhaawaca loo geystay Xildhibaanka Toorayda lagu weeraray ayaa sheegay in ninka Xildhibaanka tooriyeeyay ay isku faamli yihiin isla markaana uu ahaa nin Xanuunsanaya lagu daba jiro oo imika ciidanka boolisku ay raadinayaan walina aan la soo qaban.
Maxamed Muuse Diiriye,ayaa inaa ku daray in Xildhibaanka ay ku dhaceen shan tooriyood isal markaana imika lagu daweynayo Cisbitaalka guud ee magaalada Burco iyadoo uu sheegay in xaaladiisu aaanay imika naf ka eeg hayan laakiin uu dhaawac weyn qabo.
Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan,ayaa la sheegay in ninku tooay ku weeraray maanta salaaduu duhur kolkii uu ka soo baxay masaajidka uu badhadha dhisay ee badhtamaha suuqa weyne ee Burco.
Lama oga sababta keentay in Xildhibaanka lagu weeraro Toori iyadoo aan walina la soo qaban ninka falkaa geystay .
Burco SDN.
Qurbejoog@gmail.com