|

Korontadda Laga Dhalinayo Dhaamka Renaissance oo Somaliland la soo Gaadhsiinayo

Hargaysa 12.April 2014 (SDN)-Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Janaraal Berhe Tesfaye ayaa sheegay in aanay jirin wax dhaqaale ah oo uu dibadda ka helay dhaamka weyn ee balaayiinka doolar ku kacaya ee  dab dhalinta Itoobiya,  balse  uu adduunkaasi ka imanayo  oo keliya dadka Itoobiya gudo iyo dibadba iyo muwaadiniinta dalal Afrikaan ah.

Sawirka-warka-koowaad-ee-xaga-horeJanaraal Tesfaye waxa uu sheegay in uu dhaamkaasi 30% haatan dhameystirmay  waxaanu  taasi ka caddeeyay mar uu ka hadlayay kulan ay muwaadiniin iyo Itoobiyaan  deggan Somaliland ku yeesheen  Huteelka Maansoor ee Hargeysa khamiistii la soo dhaafay. Waxa kale oo uu daboolka  ka qaaday in uu dalkiisu waqtigan hayo koronto ku filan inuu siiyo Somaliland.

 

“Isticmaal ahaan muwaadiniinta Somaliland waxa ay dawladda Itoobiya  diyaar uga dhigtay  koronto dhan 60 mega watt magaalada xuduud ku taal ee Togwajaale, taasi oo qasdiga keliya yahay in ay qaadato Somaliland.” Dublomaaasiga oo ka hadlayay xidhiidhka wax ku oolka ah ee u dhexeeya dalkiisa iyo Somaliland, waxa uu ku booriyay maalgashadayaasha gudaha iyo dibaddaba ee danaynaya inay gacan ka geystaan gudbinta dabka dhinaca Itoobiya inay  ka helayaan arrimahaasi  marka amar ku haboon laga helo masuuliyiint saldhigoodu yahay  Hargeysa.

Isaga oo faa’iidada dhaamkan weyni leeyahay ka hadlaya waxa uu sheegay in marka uu dhameystirmo lagu wado inuu dhaqaalaha Itoobiya ee beeraha ku dhisan u beddelo mid ku salaysan warshado, kaasi oo la filayo inuu meesha ka saaro saboolnimada, isla markaana dardargeliyo koritaanka dhaqaale. Dhinaca kale, Janaraal Berhe Tesfaye, waxa uu shaaciyay inay durbaba in ka badan  lix waddan soo codsadeen in  la siiyo dabka marka uu dhaamku dhameystirmo kuwaasi oo ay ka mid yihiin Tansaaniya, Kiiniya iyo Burundi.  Waxa kale oo  uu ka caddeeyay kulankan ay u dhamaayeen Itoobiya iyo Somaliland in  Somaliland ka faa’iidaysato 60-ka Mega watt ee ku diyaara magaalada Togwajaale.

 

Sidoo kalena  waxa uu carrabka ku dhuftay  inay Jabuuti iyo Suudaan (Waqooyi) ay waqtiganba ka qaataan dabka. Waxa uu intaa raaciyay in aanay Itoobiyaanka oo keliya ka faa’iidaysanayn mashruucan tamar dhalinta ee  balaayiinka doolar ah, balse ay dani ugu jirto muwaadiniinta 10 waddan oo ay ku jirto Masar oo aan raali ka ahayn.”

Waxa uu ku baaqay inay taageero dhaqaale ku soo biiriyaan mashruuca  dhaamka Itoobiyaanka jooga gudaha iyo qurbaha labadaba iyo sida oo kale dadyowga saaxiibada ahiba sida dadka reer Somaliland. “Waxa aanu wadnaa mashruuc balaayiin ku kacaya sida awgeed waan dhiirigelinaynaa wixii qaadhaan ah ha badnaado ama ha yaraadee,” ayuu yidhi. Waxa uu xusay in mashruucani  yahay mid ay ku han weyn yihiin muwaadiniinta caadiga ahi maadaama lagu hirgelinayo qaadhaanka yar ee ay bixiyeen  muwaadiniintu  ha ahaado shilin, bir ama doolar.

 

Hadalladii safiirka Itoobiya ee Somaliland  ka jeediyay kulanka   oo taabtay darteed  ka qeybgalayaashii  inkasta oo aanay ku soo tallogelin markii hore inay ururiyaan dhaqaale ayaa sababay inay jeebka gacanta geliyaan , ayna dhamaadkii kulanka isku soo ururiyaan kumanaan doolar oo kaash ah oo ay kaga qeyb qaadanayaan, halka kumanaan kalena laga ballanqaaday.

 

Dhaamka weyn ee Itoobiya ka dhalanayso tamarta ‘Grand Ethiopian Renaissance  Dam’, oo hore loogu yiqiin dhaamkii kun guurrada ‘millennium dam’, waxa laga samaynayaa  webiga Niilka buluuga ah ee Itoobiya. Waxaana socda dhismihiisa oo la sheegayo inuu dhamaystirmay  waqtigan 30%.  Waxa uu ku yaal gobolka Beninshangul –  Gumus ee Itoobiya, waxaanu 40 km u jiraa xuduudka  Suudaan. Dhaamkan oo awoodiisu tahay 6000 MW waxa uu noqonayaa kan ugu weyn Afrika, ama ka siddeed ee ugu weyn dunida.

Comments are closed