|

Wasiirka Arrimaha bulshada iyo xildhibaano Booqday Dilla

12,Apr.2014(SDN/QJ)-Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland mudane Maxamuud Axmed Bare Garaad oo ay wehelinayeen xildhibaanada degmada kaga jira golayasha qaarkood ayaa shir balaadhan la qaatay maamulka degmada iyo gudida horumarinta ee Dilla. masuuliyiin ta degmada iyo gudidaasi ayaa uga waramay wasiirka waxqabadka dhanka horumarka ah ee qurbajoogta iyo dadka deegaanku ka qabanayaan magaalada, waxaanay xuseen in hada la wado guri weyn oo ah (cummunity centre) oo ay ugu talogaleen in uu noqdo goob lagaga arinsado sidii degmada kor loogu qaadi lahaa adeegyada ay dadku u baahan yihiin, waxaanay intaas raaciyeen in mashruucan ay ku baxayso 65kun oo dollar, Maxamed Daahir Ibraahim oo ah gudoomiyaha gudida ayaa ka codsaday weftiga inay u baahan yihiin taageero amase in xukuumada Somaliland kala qaybqaadato mashruucan iyo wixii iskaa wax u qabso ah ee degmada laga qabanayo, gudida harumarinta degmada Dilla waxay amaan u jeediyeen M/weynaha Somaliland iyo xukuumadiisa oo uu ugu horeryo wasiirka madaxtooyada sida ay uga dhabeeyeen dhismihii wadada dilla iyo Borama, sidoo kalena waxay bogaadiyeen dhismaha wadada kalabaydhka iyo Dilla oo ay codsadeen in la dedejiyo, duqayda degmada Dilla ayaa iyaguna xukuumada M/weyne siilaanyo ku tilmaamay xukuumada iskuxidhka iyo horumarinta dalka, waxaanay wasiirka arimaha bulshada iyo weftiga la socday uga mahadcesheen kulankaasi xogwaranka ah ee ay la yeesheen, taas oo ay fariin ahaan u shegeen wasiir Garaad inuu xukuumada ka gaadhsiiyo in reer Dilaad bilaabeen waxqabad gudaha iyo dibada ay iskaashanayaan, xukuumada Somaliland na ay ka sugayaan in waxqabadka ay qayb libaax kala qaataan.
Wasiirka arimaha bulshada Somaliland Maxamud Axmed Bare Garaad ayaa uga mahadceshay maamulka, gudida harumarinta iyo duqayda degmada si fiican ee ay u soo dhaweeyen Isaga iyo weftiga la socday, wuxuuna bogaadiyay dhismaha guriga martida ee qurbajoogu ka dhisayo magaalada Dilla, wuxuuna xusay in loo baahan yahay wax wadaqabsigan, wasiirku wuxuu intaas raaciyay in mashruucan uu ku xigi doono dhismaha dhakhtarka degmada Dilla oo hore ay u dhagaxdhigeen w/xigeenka wasaarada caafimaadka iyo qaar ka mid ah haweenka qurbajooga ee degmada Dilla, waxa uu wasiir Garaad kala hadlay degmada Dilla adkaynta nabadgelyada iyo in meel looga soo wada jeesto qadiyada Somaliland, isla markaana la is barbar taago dhaqdhaqaaqa geedi socodka ee la xidhiidha horumarinta dalka ee ay wado xukuumada uu hogaaminaayo M/weyne Siilaanyo.
Xildhibaan C/laahi cali ayaa isaguna u mahadceshay reer dilaad sida ay u soo dhaweeyen wuxuuna ku adkeeyay bulshada reer dilaad inay is barbar taagan xukuumada, waxqabad badan ayaa soo socda ee sidaas aad wax bilawdeen kaga dhabeeya ayuu yidhi xildhibaanku.

SDN-Dilla

Contact@Qurbejoog.com

Comments are closed