Gabadh Dhawaan Muqdisho Caseeye Ka Noqotay Oo Aqal Cusub Loo Dhisay, Nolosha Qoyskoodan La Kafaalo Qaaday
Muqdisho:11-April-2014(SDN)-Kadib markii ay horraantii Sanadkan idaacad ku Taalla Muqdisho ayaa Baahisay Warka Gabadh yar oo Soomaaliyad ah oo Kaba caseeye Ama Baalashle ka Ah magaaladaas, ayaa Qaar ka mid ah qurbejoogta soomaaliyeed, waxa ay qaateen Tallaabooyin ay ku caawinayaan Gabadhaas yar.
Gabadhan oo Magaceeda la Yidhaahdo Faadumo Abuukar Maxamed oo 14 sano jir ah, ayaa Noqotay Gabadhii ugu Horraysay Soomaaliyaddii ugu horraysay ee Shaqadaas Qabata.
Isla-xilligaas ayaa waxa warka Gabadhan yar Dhegaysatay Haweenay Soomaaliyeed ee oo ku Nool Dalka Canada, taas oo ku Ballan qaadday inay Wax u qaban doonto.
Haweenaydan ayaa ku dhawaaqday inay kafaalo qaadi doonto gabadhan caseeyaha ah iyo qoyskeeda waxbarashana ay ka bixin doonto dhamaan ilamaha la dhashay faadumo oo ah gabar caseeyaha aheyd.
Shalay ayaa idaacada kulmiye waxa ay qoyska faadumo gudoonsiisay Guri iyo joodariyaal iyo shumac oo ay soo dhiibtay gabadha Somaliyeed ee Canada Ku nool qoyskana kafaalo qaaday.
Goobta Deeqdan lagu doonsinayay qoyskan ayaa waxa ka hadlay Agaasime ku xigeenka idaacada Kulmiye ahna sii hayaha xilka Agaasimaha Idaacada Burhaan Diini Faarax oo deeqdan ay maanta gabadhaan Soomaaliyeed idaacada Kulmiye u soo marisay qoyskaan dhiban.
Ugu dambeyn Hooyo Haajaro Cusmaan Axmed oo ah hooyada dhashay Faadumo ayaa waxa ay gudoontay deeqdii la soo gaadhsiyay waxayna u mahad celisay Gabadha Soomaaliyeed ee ku nool Canada Iyo Idaacada Kulmiye oo loo soo marsiiyay.
Tallaabadan lagu kafaao qaaday Qoyskan Dhibaataysnaa, ayaa waxa si weyn u soo Dhaweeyey Xukuumadda Somalia, iyadoo sidoo kalena shacabka Somalida ah gaar ahaa kuwa Reer Muqdisho ay si weyn uga Sheekaysanayaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com