|

Wasiirka Arrimaha Dibada oo Kulan albaabadu u Xidhnaayeen la Yeeshay Wefti Sweden ka Socda ka Daawo Qurbejoog

Hargaysa 10.April 2014 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socday Wasaarada Arrimaha Dibada ee Sweden oo Socdaal ku yimid Caasimada dalka hargaysa.

Wasiirka oo ay ku Wehelinayeen Kulankan Madax sare oo ka tirsan Wasaaradiisa ayaa ahaa Mid albaabadu u Xidhnaayeen Waxaana markii uu kulanku dhamaaday uu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland ka hadlay ayaa sheegay in Weftigan oo uu hogaaminayo Safiirka dalka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadleen arrimo door ah.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed