Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Si Kediso ah ku Tagay Magaalada Jawhar SAWIRO
Jowhar 10.April 2014 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa maanta gaaray magalada Jowhar xarunta Shabeellada dhexe.
Wasiiradda Amniga,beeraha iyo masuuliyiin kale ayaa socdaalkiisa Jowhar ku weheliya wuxuna u raacay Jowhar helicopter iyadoona ammaanka saakadii hore lasii adkeeyay.
Mamulka Gobalka Shabeelada dhexe iyo shacabka ayuu Cabdiwali kula shiray magalada waxayna ka wada hadleen xaalada Gobalka iyo baahiyaha ka jira.
Cabdiwali Shiikh ayaa sidoo kale maanta soo maray degmada Buulobarde oo ka mid ah meelihii bishii hore laga qabsaday kooxda Alshabab.
Lama yaqaan socdaalkiisa Jowhar waxa uu salka ku hayo hase ahaatee wararkas oo baxaya ayaa sheegaya inuu qiimayn ku samaynayo xaalada shacabka gobaladda kale ee dalka.
Jawhar SDN.
Qurbejoog@gmail.com