|

Raxan maraakiib Dagaal oo laga leeyahay Iran oo dekedda Jabuuti ku soo xirtay

Jabuti April 10,2014(SDN)-Raxan maraakiib kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Iran ayaa ku soo xiratay dekedda Jabuuti sida ay daabacday wasaarada difaaca ee dalkaasi.

Ujeeda raxantan maraakiibta dalgaalka ee dalka Iraan ay ku soo gaareen gobolka ayaa lagu sheegay in ay tahay in kor loo qaado awooda ciidan ee dalkaasi gobolka ku leeyahay.

Maraakiibtan oo ay ka mid yihiin qaar daadgureeya ciidamada iyo kuwa qaada duyuuradaha degaalka ayaa safarkoodan ku soo jiray mudo 73 maalmood ah.

Maraakiibta ayaa safarkooda ku soo maray dalalka Cumaan iyo Yemen waxaana lagu wadaa in ay dekedda Jabuuti ku negaadaan ilaa sadex maalmood.

Dekedda Jabuuti  ayaa caadiyan waxa isticmaala dalalka reer Galbeedka oo ay siyaasada isku hayaan dalka Iran,

SDN-Jabuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed