Cillad Loo Maara La’yahay Oo Hawada Ka Saartay Qaybtii FM-ta Radio Hargeysa, Xilli Xukuumaddu Ku Mashquulsan Tahay Tirtiridda Saxaafadda Madaxa Bannaan
Hargeysa:10-April-2014(SDN)-Idaacadda Radio Hargeysa, Gaar ahaan Qaybteeda FM-ta ayaa muddo Saddex Habeen ahba ka bixi La Cillad ay Maara La yihiin Farsamo yaqaannada ka Shaqeeyaa.
Iddaacadda ayaa Cilladan Ku Timi la Dareemay Habeenkii Salaasadu Soo Gelaysay, waxana Guud ahaanba Shaqadii Joojiyey Qaybo Ka Mid ah Warlalisyada Yar yare Ee Qaybta FM-ta, walina wax xal ah lama Hayo.
Dhibaatadan Haysatay Idaacadda ayaanay ka Hadlin wali masuuliyiinta Warfaafintu, waxana Habeenaddanba Magaalada Hargeysa iyo Hareereheeda si weyn looga Hadal Hayaa Dhibaatada Haysata Idaacadda Radio Hargeysa.
Idaacadda ayaa in baddan la arkayey iyadoo ka Baxbaxaysa Hawada amaba Goobta ay ka soo Gasho ee Laga Dhegaysto, waxana Gebi ahaanba ay Idaacaddu Hawada ka Maqanyd Habeenkii Xalay ahaa.
Saaka Subixii waa ay soo Gashay, balse cilladii ayaa ka muuqatay, iyadoo marka ay in muddo ah Shaqaysaba marka Dambe Hawada ka Baxaysay.
Cilladan ku timi Idaacadda Qaybteeda Fm-ta, ayaa ku soo Beegmaysa xilli ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si weyn dagaal qaawan ku qaadday Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Dalka, taas oo keentay in Xarumo Warbaahinteed oo BBadani Illaa iyo Hadda Saldhigyo Ciidan isku Beddeleen.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo isagu Shalay oo ugu dambaysay Hanjabaad culus Hawada u mariyey Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Dalka, ayaa u muuqda mid fashilaadi ka soo Waajahaday shaqadii uu Hayey, iyadoo ay Taas Ka Sii Daran Tahay Muran muddo soo Jirey oo dhex yaalla Masuuliyiinta Warfaafinta ka Wada Hawlgala.
S.D.N