|

Arinta Xariga Jariirada Haatuf oo noqotay laba daran mid dooro

Hargeysa April 10,2014(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay Jariirada Haatuf sifo sharci ah ku xirtay ka dib kolkii maalmo ay daabeceysay xogo ku saabsan musuq maasuq uu ku kacay nin uu madaxweyne Axmed Siilaanyo Sodog u yahay.

Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse in “meherada” Haatuf xireen ka dib kolkii ay wax ka qoreen muwaadin aan xil dawlada ka heyn.

Shicibka Hargeysa ayaase isweydiinaya halka xukuumadu ay jirtay kolkii ay Haatuf hore wax uga sheegi jirtya muwaadiniinta,siyaasiyiinta iyo ganacsatada dalka.

bashgab

Ma markii ay Jariirada Haatuf wax ka qortay Baashe Cawil oo qaba ina Siilaanyo ayaa xuquuqda muwaadiniinta la xusuustay.

Habdhaqanka jariirada “Xaartuf” sida Hargeysa looga yaqaan Ayaa hore ugu tumatay shuruucda Saxaafada si bareer ahna umaddo dhan oo Somaliland degan hore ugu weerartay.

Halka Xukuumada Axmed Siilaanyo ay dooneyso ashqaas uu ka mid yahay Baashe Cawil oo “Morgan”Hargeysa looga yaqaan uu ka awood bato Wasiiro.

Baashe Cawil wiilka uu Axmed Siilaanyo sodoga u yahay ayaa amarka xariga Haatuf bixiyay kiyoo dalkaba aan ku sugneyn.

Hadii la dhaliilo masuul aan dawlada xil ka heyn oo aan laheyn awoodaha dheeriga ah ee uu ku tagri falo maba aaney aheyn in waxaan oo dhami dhacaan.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed