Qirashada Saxaafada Somaliland ee la safashadii Kulmiye iyo xabsiyada xukuumadu ku gurtay xigmada ka danbeysa
Hargeysa April 10,2014(SDN)-Saxaafada Somaliland ayaa intii ka danbeysay Doorshadii madaxweyne Axmed Siilaanyo ku cabaneysay in xukuumada Kulmiye ay cadaadis aaney ka muteysan ku heysay.
Saxaafada Ayaan maraba ku andacoon in shuruuc dalka u taala lagu tuntay ee waxa marwalba ay ku garnaqsaneysay in ay gacan Kulmiye ku siiyeen in talada dalka ay la wareegaan.
Guddoomiyaha dalada saxaafada Somaliland SOLNA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa shalay ka jirtay shir jaraaid in ay saxaafadu ka qeybgashay “campaign-kii” Kulmiye.
Waxaad moodaa in saxaafada Somaliland oo ay aheyd umadda in ay hagto ay u hadaaqeyso sidii koox dooneysay in aan waxba la oran hadii sharciga ay ku tuntaan.
Waaxse ay garan waayeen in hadii Kulmiye ay gacan siiyeen si talada ay ula wareegan in kolka Kulmiye la doortay ay ka tabaabusheysan doonaan in ay jirto saxaafad mucaaridka “campaign-ka”ka caawisa.
Waaxse Iyana xusid mudan inSoomaalidu hore ugu maahmaahday “labii xaq-daro ku heshiisaa xaqdaraday ku kala tagaan”
Saxaafada Somaliland waxa iyaga iyo bulshadab dan u ah in la helo warbaahin umadda ku hagta dhabaha hagaagsan oo ay si haboon u soo gudbido danaha Umaddeed.
SDN/QJ-Hargeysa