|

Nuxurka Kulan dhex maray Gudoomiyaha Baanka dhexe iyo Gudida Joogtada ah ee Wakiilada

Hargaysa 09.April 2014 (SDN)- Guddida Joogta Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Maanta Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland.

Gudoomiyaha-Baanka-dhexe1Kulankan Ayaa Ahaa Mid Ay Guddidu Su,aalo Ku Waydiinaysay Guddoomiyaha Islamarkaana Aan Loo Ogolayn Warbaahinta , Waxaana Kulankaasi Ka Dib Warbaahinta Hadal Kooban Siiyey Guddoomiye Ku Xigeenka Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Md. Axmed Ducaale Bulaale.

Waxa Uu Sheegay Inuu Ka Warbixiyey Guddoomiyaha Baanka Dhexe Sarafika Lacagaha Qalaad Oo Cirka Isku Shareeyey Iyo Sida Ay Uga Hortagaan.

Guddoomiye Ku Xigeenka Guddida Joogta Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Yidhi”

“Horta Guddida Joogta Ah Ee Golaha Wakiilada Waxa Ay Inta Badan Ka Shaqeeyaan Inta Uu Golahu Fasax Yahay Waxaana Ay U Yeedhaan Guddida Joogta Ah Ee Golaha Wakiiladu  Masuuliyiinta Dawlada Ka Tirsan Maanta Waxa Ay U Yedheen Guddoomiyaha Baanka Dhaxe Ee Somaliland,Waxaana Aanu La Yeelanay Waraysi Badan Oo Aanu Wax Kaga Waydiinayno Xaalada Guud Ee Baanka Iyo Sarafika Lacagaha Ee Cirka Isku Shareeray

Guddoomiye Ku Xigeenka Guddida Joogta Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland Isaga Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Yidhi”Waxaana Uu Guddoomiyuhu  Nooga Waramay Sida Uu Baanka Dhexe U Shaqeeyo Iyo Sida Uu U Kaan Taroolo Marka Uu Sarifka Kacow Hortu Marka La Is Waraysto Ee Lawada Hadlo Waxa Kasoo Baxa Talooyin,Isaguna Waxa Uu Ka Waramaa Sida Ay Waxa Yihiin Iyo Halka Uu Xaalku Marayo,Hadaanad Ogaan Sida Ay Waxa Yihiin Iyo Halka Uu Marayo Talana Ma Bixin Kartid Su’aalana Ma Waydiin Karo Iyaguna Waxa Ay Shegeen Hadii Khaladaad Jiro Iyo Hadii Waxa Lasoo Gud Bonadeen Sidii Ay U Sixi Lahayeen Ayey Xog Waram Buuxa Naga Siiyaan.

Waxa Kale Oo Uu Sheegay In Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiiladu Ay Masuuliyiinta Qaranka Talooyin Waxa Ku Oola Ka Siiyaan Sidii Ay U Gudan Lahaayeen Shaqooyinkooda “Golaha Wakiiladu Talooyin Ayey Bixiyaan Waxaana Kale Oo Jira Mashruuc Ayaa Golaha Wakiilada Ka Baxday Waxaana Ugu Wayn Ee Aanu Waydiinaa Waxa Weeyaan Sida Ugu Wanaagsan Ee Ay U Dabaqeen Hawshii Ay Haay’adda Kastaba Qaranka U Hayso Sida Ay Ugu Soo Baxday Madaama Oo Aanu Nahay Baarlamaankii Qaranka Ku Ilaali Nayey Shuruucda Dalka U Taala Hadii Ka Horyimaado Waxaanu Tusnaa Halka Uu Ka Khaldan Yahay Waxaanu Ku Toosinaa Dhabah Wanaagsan Ee Shuruucda Dalka U Taala.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Cabdi Diriri Cabdi Ayaa Ka Hadal Kulankan Uu La Qaatay Guddida Joogta Ah Ee Golaha Wakiilada Kana Cudur Daartay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed