Dadka reer Indunisia oo maanta u dareeray Goobaha Codbixinta
09,Apr.2014(SDN)-Dadweynaha dalka Indunia,ayaa maanta u dareeraya Doorashadda Baarlamaaniga aah ee dalkaasi,oo si weyn loo saadaalinayo inay saamayn Xoogan ku yeelato ta Madaxtinamadda laga Wado inay dalkaasi ka qabsoomto dhamaadka Sannadkan.
In ka badan 186 malyunn oo qof oo isu diwaan galiyay inay codkooda dhibtaan,ayaa maanta oo Arbaca ah u dareeray Goobaha Codbixinta ee dalkaasi.
Sida la qiuyaasayo 30% dadkaas isdiwaan galiyay ayaa ah dad dhalniyaro ah oo ay u tahay markii ugu horaysay ee ay codkooda dhiibtaan.
Xisbiga ugu Weyn Mucaardka dalkaasi ee Dimukraatic Party of Straggule,ayaa la filayaa inuu helo Kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka,taas oo laga yaabo in Gudoomiyaha Gobolka Jakarta Joko Wadodo,ay u suura galiso inuu dalkaasi ka noqdo Madaxweyne Doorashadda Madaxtinimada Soo socota.
Sidoo kale Wadido,ayaa taageero Xoogan ku leh dalkaasi,iayad oo lagu amaano maamul wanaag uu muujiyay intii uu Gudoomiyaha ka ahaa Gobolka Jakarta.
SDN-Jakarta