“Meherada Haafut la Yidhaa in la Xidho Kuma Faraxsani,Sidoo kale 15 Cisho inay nin aan dalkaba u shaqayn Maagtana kuma Faraxsani” Wasiir Cukuse {DHAGAYSO}
Hargaysa 09.April 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta markii u horaysay ka hadlay Albaabo u Xidhida Wargayska Haatuf oo uu sheegay inaanu ku faraxsanayn isagoo intaas ku daray in aanu sidoo kalena ku faraxsanayn in Wargayska Haatuf uu mudo Shan iyo Toban Cisho ah aflagaadeeyo Shakhsi aan dalka Xil u hayn .
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Waxa uu Xusay in Qadiyada Wargayska Haatuf lagu Xidhay uu ku arooro dacwad ay ka gudbiyeen Xubno Wasiiro ah oo uu Wasiirka Arrimaha Guduhu ka mid yahay,Wasiirka ayaa maanta hadalkan ka jeediyay Xaflad ay soo qaban qaabisay Dalada Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee Sonsaf oo lagu Soo Bandhigayay Daraasad ay ka soo uruuriyeen Xaaladaha ku Gadaaman Suxufiyiinta Somaliland.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA WASIIRKA WARFAAFINTA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CukuseSonsaf(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog@gmail.com