|

Kenya Oo Go’aansatay inay Saaka Somalia Dib Ugu Celiso 82-Qof oo Somali ah Oo Muddo Halkaas Ku Xidhnaa

Nairobi:09-April-2014(SDN)-Dawladda Kenya ayaa ku Dhawaaqday inay Si Toos ah Somalia ugu celin doonto Dad Soomaali ah oo Tiradoodu Dhan tahay 82-qof, kuwaas oo in muddo ah ku Xidhnaa Xabsiyadda Dalkaas.

qalabeSida ay dawladdu Sheegayso, waxa Saaka Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyata laga Soo Dhoofin Doonaa Dadkaas oo laga Dejin doono Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.

 

Dadkan saaka La Soo Celinayo ayaa la sheegay inay yihiin kuwo aan Wax sharci ah Haysanin, waxana ay Dawladda Kenya Go’aan ku gaadhay in Si Degdeg ah Dalkoodii Hooyo Lagu Celiyo.

 

Dadkan ayaa sida la sheegayo u badan Rag, waxana ku jirta Tiro yar oo Haween ah oo aan si cad loo xusin, iyadoo ay Diyaar tahay Duulimaadkii Muqdisho lagu Geyn lahaa.

 

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Dalka Kenya, waxa Dadkan loo Diiday inay Ehelladoodii ay la noolaayeen ay Soo Macasaameeyaan, iyadoo Taas Beddelkeedan Ehellada loo Ogolaaday inay Garoonka Galaan oo Dadkaas la Dirayo Macasalaameeyaan.

Ayaamahan ayaa waxa Magaalada Nairobi si weyn loogu Qabqabtay Dad Tiro  badan oo Somali ah, waxana la sheegayaa in lagu Tacaddiyey, iyadoo Dadkan Haatan la Celinayaana ka    mid ahaayeen kuwaas la Xidhxidhay, balse waxa laga Waayey Wax sharci ah oo ay Dalkaas ku soo Galeen.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed