|

Dhallinyarada Maroodijeex Oo Wasiirrada Gobolka Ku Tilmaamay Magac-u-yaal‏

08,Apr.2014(SDN)-War-saxaafadeed ay soo saareen dhallinyarada Gobolka Maroodijeex ayaa si weyn loogu dhaliilay Wasiirrada Ka so jeeda Gobolka Maroodijeex, Xildhibaannada, Culimada iyo guud ahaan waxgaradka Somaliland ee ku nool Caasimadda waxaanu u dhignaa

“Annaga oo ah dhallinyarada Gobol-weynaha Maroodijeex waxa aanu Wasiirrada Ka so jeeda Gobolka Maroodijeex, Xildhibaannada, Culimada iyo guud ahaan waxgaradka Somaliland ee ku nool Caasimadda u diraynnaa baaq ku saabsan in loo gurmado waddooyinka Gobolka Maroodijeex soo gala/ka baxa ee ah Oodweyne, Dawga Cad, Hawd iyo Sallaxlay, oo aanu u aragnay in iyaga oo qabyo ah laga doorbiday Waddada Deegaanka Garadag iyo Ceerigaabo oo laga dhigay mid qaran, halka kuwa kalena lagu asteeyay cid gaar ah.

Waxa aanu soo jeedinayaa
1. In la sameeyo Guddiga Horumarinta Gobolka Maroodijeex oo ka qayb qaata walaalaynta iyo iskaashiga ummadda, gaar ahaanna jidadka iyo biyaha
2. Wasiirrada deegaanka waxa aanu leennahay waa inaad noqotaan kuwo deegaankooda u tara inta uu Wasiir Xirsi u taray Waddada Ceerigaabo in ka badan ayay waddooyinka deegaanku idinka filayaan. Haddii kale dhammaantiin kalsoonida waan idin kala laaban doonnaa.
3.Wasiir Samsam waxa aanu ugu baaqaynnaa in ay qaadhaan u ururiso waddooyinka dalka oo dhan.
4. Madaxweynaha Waxa aanu leennahay 18-Mey yaanay noqonnin maalin loogu kala eexdo waddooyinka. Si siman dawladdu ha u dammaanad-qaaddo dhammaan waddooyinka dhismahoodu socdo. Qurbe-joogga waxa aanu leennahay ka fiirsada baaqa ay soo tebiyeen Siilaanyo (Xirsi)
5. Xubnaha ku jira waddada Ceerigaabo ee ka soo jeeda deegaanka Maroodijeex waxa aanu leennahay is-casila. Waxa guddigaas la idiinku diray si loo curyaamiyo waddooyinka aad Hargeysa ka waddeen qorshahooda”

Allaa Mahad Leh

Cabdixakiin Jaamac Yuusuf
Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Dhallinyarada Maroodijeex
Hargeysa

Tebinta: saedmgahair@hotmail.com

==========  Guddida Fulinta 2014/2015 =========================

1 Maxamed Cabdi Ibrahim————Guddoomiye————sallax77@yahoo.com
2.Cabdqadir Cali Baraar –Guddoomiye ku xigeen–abdulkadiralijama@yahoo.co.uk
3 Maxamed Khadar Dahir Carara—Xoghaye—mdkadar7@hotmail.com
4 Yusuf Ibrahim Muse—————–Khasnaji— muuse2001@hotmail .com
5 Maxamed Cali Giire —————–Xubin guud-cali giirre <cgiirre@yahoo.com

SDN-Hargaysa

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed