|

“Waxa aan ka codsanaya shicibka ay tegayaan khubarada shirkadu ku nool in ay weji furan iyo soo dhawayn tusaan” Wasiirka Macdanta

Hargaysa 08.April 2014 (SDN)-Wasiirka Wasaaradda Macdanta Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay soo dhaweeyaan, isla markaana aanay dhibaato u gaysan khubaro ka socota shirkad dhuxul-dhagaxda dalka ka baadhi doonta oo ay heshiis ku-meelgaadh ah la galeen, kuwaasoo labada toddobaad ee soo socda bilaabi doona sahaminta degaannada macdantu ku jirto.

Wasiirka-macdanta-300x225Masuuliyiinta Wasaaradda Macdanta oo heshiis ku-meel-gaadh ah la galay shirkadan waxa ay tilmaameen in sahiminta kadib marka la ogaado degaannada macdanta iyo dhuxul-dhagaxdu ku jirto si rasmi ah loo bilaabi doono in la soo saaro.

“Sharikadaas  Shiinaha ah waa shirkad muhiima, hawl muhiimana dalka way u wadaa, niyad sami weyn iyo kalsooni weyn bay ku qabaan inay dalka waxyaabo badan xagga macdanta innooga qaban doonaan, waxaan kula dardaarmaya, kana baryayaa shicibka dalkeena ku nool ee degaannada shirkadan imaanayso labada toddobaad ee soo socota in la soo dhaweeyo, wanaag la tuso, lana tuso in aynu diyaar u nahay in dalkeena la maalgashado, waxna la inooga qabto oo khayraadkeena dalkeena ka faa’iidaysano oo aanay qaadan dareen ah in aan shirkadaha ajenebiga ah dalkeena laga rabin. Waxa aan mar labaad ka codsanaya shicibka degaanada ay tegayaan shirkadu ku nool in ay weji furan iyo niyad sami iyo soo dhawayn tusaan oo aanay xag-xagan, khayrku wuu inoo soo socda, haddii dalkeena ay wax ka helaan khayru markuu inoo soo baxo way inoo imaanayaan yeynaa ka hordhacin oo hunguri ina qaadin oo shirkadaasi xag-xagasho iyo dareen qaadan, degaannada la tagayaana soo dhaweeyaan, gacmo furan ku soo dhaweeyaan,” ayuu yidhi Wasiirka Macdantu.

 

Md. Xuseen Cabdi Ducaale in Wasaaradda ay kula kulmeen wefti 20 xubnood ka kooban oo ka socda shirkada Shiinaha ah, kaasoo ay heshiis hordhac ah la galeen, waxaannu yidhi; “Weftigan aynu la fadhinaa 20 qof bay ku dhaw dhaw yihiin ee Donson ka socda oo isugu jira aqoonyahaniin macdanta ah, madax, waana wefti furuuc badan leh, waxaana maalmaha soo socda sida ugu dhakhsha badan u soo socda in weftigaas saddex qaybood isu qaybiyaan, marka saddexdaas kooxood meelay calamadiyaan ee ay u arkaan inay soo eegaan ayey sahan hordhac ah ku samayn doonaan, baadhitaanka dheer ee qotoda dheeri marka dambu imaanaya, balse iminka goobahay tuhmayaan inay wax ka heli karaan ayey tegayaan oo ay soo yara eegayaan.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, ayaa sheegay in kulanka ay la yeesheen masuuliyiinta iyo khubarada shirkadan Shiinaha ah ee macdanta iyo dhuxul-dhagax baadhaysa uu ka soo baxay heshiis hordhaca ah oo ay ku sahamin doonaan degaannada laga baadhi doono macdanta, isagoo baaq u diray shacabka, kuna boorriyey in shirkada dawladdu ka soo baadhay in waxqabadkeeda iyo awoodeeda, iyaguna ay soo dhaweeyaan, lana shaqeeyaan.

Guddoomiye-ku-xigenka shirkada Shiinaha ah Mr. Mao Jie, ayaa tilmaamay in khubaro u gaar ah shirkadoodu ay sahamin ka bilaabi doonaan gobol iyo degmooyinka lagu tuhmo in dhuxul-dhagax iyo macdantu ku jirto, heshiiskan kumeelgaadhka ahna ay aad ugu faraxsan yihiin.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed