|

Maareeyaha TV-ga Qaranka Oo Uu Maanta Xafiiskiisa Ku Dhex Garaacay Midka mid Shaqaalaha Wasaaradiisa Oo Xaqiisii La Duudsiyey

Hargeysa:08-April-2014(SDN)-Waxa Maanta Dagaal Gacan-ka-hadal ahi Dhex Maray Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland iyo Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo Dagaalkaasi Ka Dhacay Gudaha Xafiiska Maareeyaha.

maariDagaalkan ayaa ka bilaabmay Markii uu Maareeyuhu dhawaan Soo Saaray Amar uu Lacago Gunno ah kaga Joojinayo Xubno shaqaalaha        Wasaaradda ka tirsan oo uu ku tuhmay inay Si Gaar ah ula Safan yihiin Wasiir Cukuse oo ay Si weyn isu Hayaan.

Xubinta Shaqaalaha ah Ee Maareeyaha la Dagaalamay, ayaa ah Wariye Saleebaan Haybe Laambad oo ka tirsan Hawl-wadeenada Firfircoon ee Wasaaradda oo muddo badan ka soo Shaqayanayey Halkaasi.

Sida ay Sheegayaan wararka ay Helayso Shabakadda Qurbejoog.com, waxa  Dagaalkani Bibaabmay markii uu Wariye Saleebaan Haybe isku Dayey inuu Maareeyaha Waydiiyo Sababaha uu lacagtiisa uga jaray, balse Maareeyaha ayaa Su’aashaas kaga Jawaabay Hadal Qalloocan oo uu iskaga Indho tirayo Xaq-darrada ee Uu Ku Tallaabsaday.

Inyar markii xafiiska Maareeyaha la iskula jirey, ayaa uu Labada Nin Hadalku ka Duulay, waxana lagu warhelay Dagaal Xooggan oo xafiiska dhexdiisa ka Socda, iyadoo Shaqaalaha Wasaaraddu ay Kala Ladqabeeyeen Wariyaha iyo Maareeyaha.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ku Koobnaa Feedhadh la is weydaarsaday, gaar ahaa waxa Wajiga Maareeyaha ku dhacay Dhawr Feedh oo Miisaan leh, mana jirin Wax dhaawac weyn ah ama Khasaare Halkaasi ka dhacay.

Maareeyaha ayaa intaas ka dib Dalbaday in La Xidho Wariyaha, balse inyar kadib ayuu Haddana ka walaacay inuu Xidho, waxana uu Haatan Wariye Saleebaan Si xor ah u dhex joogaa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee uu ka TIrsan yahay.

Dagaalkan ayaa si weyn looga Hadal hayaa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxana Inta badan shaqaalaha wasaaraddu ay Hambalyo u dirayaan Wariyaha Xaqdarrada ka Dagaalamay, maadaama Shaqaalaha intooda badani ay si  weyn uga soo Horjeedaan Maareeyaha Telefishanka qaranka.

Ma aha  Saleebaan oo Kaliya cidda Xaqdarrada ka Tirsanaysaa, balse waxa jira Shaqaale tiro badan oo Dhibkan oo kale ka Tirsanaya Maareeyaha, balse aan wax tallaaho ah qaadin.

Dhibka dhex yaalla Wasiirka warfaafinta iyo Maareeyaha Telefishanka qaranka, ayaa si weyn saamayyn ugu yeeshay Shaqaalaha Telefishanka, waxana uu taas kaga jawaabay Maareeyuhu inuu lacagaha ka jaro dhammaanba shaqaalaha uu ku Tuhmo inay La Safan yihiin wasiir Cukuse.

Wasiir Cukuse ayaa isagu dusha ka daawanaya Dhibaatada lagu hayo Shaqaalaha warfaafinta, umana muuqdo inuu Tallaabo qaadi doono, maadaama Haatan dhinaca Madaxtooyada aanu Awood ku lahayn oo Maareeyuhu Haatan Yahay shakhsiga Ka soo shidaal qaadanay Aqalka dalka looga arrimiyo, waxana ay taasi ku keentay inuu Maareeye Khadar Cali Gaas uu siduu Doono ugu Takri Falo Xuquuqda Shaqaalaha   Wasaaradda.

 

Contact@somalidiasporanews.com

Hargaysa S.D.N

 

Comments are closed