Dooni ay Saarnaayeen 700 Qof Oo Tahriibe Oo Ciidanka Talyaanigu soo Badbaadiyeen iyo Maydad laga Dhex Helay
Laambaduusa:08-April-2014(SDN)-Ciidamda Badda ee Dalka Talnaaniga ayaa Saacadihii ugu dambeeyey Badweynta ka Soo Badbaadiyey Dooni sidday Tiro Tahriibayaal Xad dhaaf ah oo kasoo Kicitimay Dalka Libiya.
Doonnidan ciidamadu soo Badbaadiyeen, ayaa waxa Dadka Saaran lagu Qiyaasay ilaa 700, qof, waxana la sheegay in qaarkood ay Mayd ahaayeen xilligii doonta la Badbaadiyey.
Dadka Doontan Saarnaa ayaa ay wararku sheegayaan inay Dhammaantood ahaayeen Dad Afrikan ah, waxana ku jirey Soomaali badan oo doontan ka Raacay Dalka Libya.
Wali lama Hayo Tirada Rasmiga ah ee Maydadka iyo inay Soomali yihiin, waxana Socda la Tacaallidii xaaladda adage e Dadkaasi ku Sugan yihiin.
Doonnidan ayaa la sheegayaa inaany muddo badan Badda ku jirin, balse Mushkillada qabsatay ay Tahay Cidhiidhi badan oo ay Dadku Dareemeen, maadaama ay kala Badnaayeen Tirada la saaray iyo inta loogu talo galay inay Fuulaan.
Xilligan ayaa waxa si weyn u Buuxdhaafiyey Doomaha Ka baxaya Dalka Libya Dadka Tahriibaya, waxana ay ka Faa’iidaysanayaan Xilligan oo ay Baddu waxoogaa Deggen tahay, balse waxa jira Qabow daran oo Dadkan dhibaato ku haya.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com