|

Ciidanka Ammaanka Kenya Oo Bilaabay Olole ay Gaadiidka Dadweynaha Kagala Degayaan Dumarka Soomaalida iyo Haweenaydii ugu HOrraysay Oo Xaamilo ah Oo ay Kaxaysteen

Nairobi:08-April-2014(SDN)-Sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ay Haatan Bilaabeen Inay Haweenka Soomaaliyeed kala Degaan Gaadiidka Dadweynaha ee ay Saaran yihiin.

blllGalabnimadii Shalay ayey Ciidanka Booliska Kenay Gaadhi Bas ah oo ay Saarnayd Kala Degeen Haweenay Soomaaliyeed, xilli ay Maraysay Xaafadda Islii, waxana Arrintaasi aad uga xumaaday Shacabka Soomaalida oo dhammaantood Haatan lagu Hayo Dhibato Badan.

Haweeneyda gaadhiga lagala dagay ayaa waxaa Magaceeda lagu sheegay Deeqa  C/risaaq Osman, waxaana la sheegayaa in Baska ay saarneyd uu kasoo baqoolay Kamarook, iyadoona kusii jeeday Xaafadda Islii.

 

Haweeneydaas  ayaa la sheegay inay aheyd Xaamilo bilo dhameys ah, waxaana la sheegayaa in Boliska ay mudooyinkani Haweeneydaasi ka baadi goobayeen Isbitaalada iyo Saldhigyada xaafadda Kamarook, waxana  Loo malaynayaa inay Tuhun hore ka Daba Socdeen Gabadhan.

 

Lama Oga sababta Haweeneydaasi looga degsaday gaadhiga waxaana la sheegay in lagu tuhunsan yahay inay xidhiidh dhow la leedahay Xoogaga Alshabaab ee dagaalada kula jira DFS iyo Kenya.

 

S.D.N

 Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed