Bariga Dalka Ukraine oo qalaalse ka dilaacay iyo Ruushka oo damac ka hayo
Donetsk April 08,2014(SDN)-Kooxo la safan Ruushka ayaa qalaase ka bilaabay degaanka bari ee dalka Ukraine oo ay degaan dad ka soo jeeda dalka Ruushka.
Kooxan ayaa gacanta ku dhigay xafiisyadii dawladeed ee Gobolka isla markaana ku dhawaaqay gooni isu tag.
Dhacdadan ayaa dunida soo xusuusisay dhabihii Ruushku ku goostay gobolkii Crimea oo ka mid aheyd dalka Ukraine.
Ruushka ayaa haatan xadka bari ee Ukraine soo dhoobay kumanaan ka mida ciidamadiisa oo aad u hubeysan.
Dawlada Ukraine ayaa Ruushka ku eedeysay in uu ka danbeeyo qalalaasaha ka aloosan bariga dalkaasi ee haatan galay marxalada qalafsan.
Ruushka ayaa dhankiisa Ukraine uga digay in ay awood ku muquuniyaan dadka doonaya in ay gooni isu tag u codeeyaan.
Mareykanka ayaa sheegay in hadii Ruushku faro geliyo bariga Ukraine in ay dhabaha u xaareyso cunaqabateeno said ah oo la dul dhigo Ruushka.
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa lagu wadaa in uu kulamo deg dega la qaato madaxda reer Yurub iyo Ukraine oo looga hadlayo damacan cusub ee Ruushka.
SDN-Donetsk