|

Ra’isal Wasaaraha Somalia oo ka Hadlay Dilkii Labada Sarkaal ee Qaramada Midoobay

Muqdisho 07.April 2014 (SDN)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geerida labo saraakaal oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo maanta lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Cabdiweli-Sheekh-III-300x237Saraakiisha la dilay oo u shaqeynayay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka dambiyada iyo muqaadaraaddaka (UNODC) ayaa barqadii maanta lagu toogtay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, xilli ay ka soo dageen diyaarad ay halkaasi ku tageen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray ehellada saraakiisha la dilay, isagoo sheegay in xukuumaddiisa ay sii wadeyso la dagaallanka kuwa wata fikradaha rabshadaha ku dhisan iyo inay xaqiijiso nabadgeliyada iyo xasilloonida dalka oo dhan.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhinacyada ay quseyso ay kala shaqeyneyso sidii caddaaladda loo hor-keeni lahaa kuwa ka dambeey dilka saraakiisha.

Laba qof ee la dilay oo rag ahaa ayaa u kala dhashay dalalka Britain iyo Canada.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed