Milicsiga Dharaartii Dharaaraha 33 Guuradii SNM 06/04/1981-06/04/2014 Qallinkii: Boobe Yuusuf Ducaale
Bal hadda aan yar daymoonno sidii uu Hadraawi arrintan ugaga maansooday Tixdiisii mahadhada reebtay ee Daalalley. Wuxu yidhi:
“Nimaan diiftu saarreyn,
Dusha sare ka qolof dhicin,
Dubatadu ku shaacnayn,
Nimaan daawo-shiilleyn,
Ama degel ku sheelleyn,
Ama debed ku sheegnayn,
Daymadaydu suureyn,
Waxa loogu digayaa,
Dohdu Waamo maahee,
Dirir baa ka socotee,
Firdhisada iskaga durug,”
SNM waxa lagaga dhawaaqay magaalada London, 6/4/1981kii halkaas oo uu Shirweynihii ugu horreeyay ee SNM ku qabsoomay bishii Oktoobar ee sannadkaas. Taariikh yar dheeraan karta, si aan idiin ku soo kobo bal aan isku dayo in aan idiin shaxeeyo lixdii Shirweyne ee SNM soo maray:
Lam. |
Tirsiga Sh/wenaha |
Goobta |
Taariikhda |
Guddoomiyaha |
1. |
1aad |
London |
Oktoobar, 1981kii |
Axmed Maxamed Guuleed |
2. |
2aad |
Haadaamo (Nazareth) |
Abriil, 1982kii |
Sheekh Yuusuf Cali Sh. Madar |
3. |
3aad |
Harar |
3 dii Juulay, 1983kii |
Sheekh Yuusuf Cali Sh. Madar |
4. |
Kal-fadhigii 3aad ee Golaha Dhexe |
Jigjiga |
Noofambar, 1983kii |
Cabdil-Qaadir Koosaar Cabdi |
5. |
4aad |
Jigjiga |
6dii Ogos, 1984kii |
Axmed Maxamed Siilaanyo |
6. |
5aad |
Harar |
28kii Feeberweri, 1987kii |
Axmed Maxamed Siilaanyo |
7. |
6aad |
Balli-gubadle |
31kii Maarj, 1990kii |
C/Raxmaan Axmed Cali |
Inta aanan idin la fogaan wax aan sidaa u sii badnayn aan ka idhaahdo Shaxdan Shirweynayaasha:
- Laga soo bilaabo 1981kii ilaa 1984kii kala-guurka Shirweynayaashu sannad ayuu ahaa ama Sannadkiiba mar ayaa la qaban jiray Shirweynaha. Arrintaasi waxay ka dhalatay sas laga qabay in qof xil hoggaamineed loo dhiibay kursigaba ka daaddegi waayo. Waxna kaga dara nidaamkii lala dagaallamayay ee taladu qofka iyo magaalada ku urursanayd;
(Kal-fadhigii: 3aad ee G/Dhexe ee Nof. 1983kii)
- Bishii Juulay 1983kii ayuu Magaalada Harar ku qabsoomay Shirweynihii 3aad ee SNM, halkaas oo lagu doortay hoggaan ay u kala sarreeyeen: Sheekh Yuusuf oo Guddoomiye noqday, Xasan Aadan Wadadiid oo Guddoomiye-ku-xigeen ahaa iyo Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi) oo Xoghaye Guud loo doortay. Waa qaabkii ay SNM u dhisnayd beryahaa. Shirweynahaas oo lagu falanqeeyay Dastuurkii Ururka markii ugu horreysay ayaa lagu heshiin waayay. Ka dib Shirweynahaa waxa lagu gaadhay saddex Go’aan oo baadi-sooc gaar ah lahaa:
- In Dastuurka SNM lagu falanqeeyo Go’aanna lagaga gaadho Kal-fadhiyada Golaha Dhexe ee SNM ee Shirweynaha ka danbeeya,
- In Xubnaha Golaha Dhexe Cod-badnaansho buuxa (Absolute majority) ku dalban karaan Kal-fadhi Gole Dhexe,
- In Golaha Dhexe cod 2/3 ah ku beddeli karo hoggaanka Ururka, Guddida Fulintana cod hal-dheeri ah,
Sidaas ayaa Bishii Noofambar 1983kii Magaalada Jigjiga loogu qabtay kal-fadhigii 3aad ee Golaha Dhexe ee SNM. Wuxu ahaa Kal-fadhi taariikhiya marka la eego marxaladihii kala geddisnaa ee Ururka SNM soo maray. Kal-fadhigaa waxyaabaha lagu gaadhay waxa ka mid ahaa:
- Oggolaanshihii Dastuurka SNM,
- Oggolaanshihii Barnaamajka Siyaasiga ah ee SNM,
- Bedddelaaddii hoggaankii Ururka iyada oo halkaa lagu doortay:
- Cabdil-qaadir Koosaar Cabdi: Guddoomiye,
- Aadan Sheekh Maxamed (Shiine): Guddoomiye-ku-xigeen,
- Maxamed Kaahin Axmed: Xoghayaha Guud,
Waxa xusuus gaar ah iyo xalladba lahayd duruufihii uu ku qabsoomay Kal-fadhigaasi, sidii uu u socday, sidii go’aammada loo gaadhay iyo dareennadii ka dhashay gude iyo dibadba. Waa sheeko sidii ay iigu muuqatay aan soo tebin doono haddii Eebbe inagu simo. Waxaan jecelahay in aan hoosta ka xarriiqo in aanu isku daynay in aanu berigaa dhismihii iyo qaabkii hoggaaminta wax ka beddello, bal se aanay si togan u shaqayn. Hoggaankaa saddexanka ah ee kor ku xusan ayaanu ku darnay laba xubnood oo kale, shantaas oo aanu ku magacawnay Guddida Hoggaaminta, bal se ma ay shaqayn:
(La soco berri, haddii Eebbe idmo…………………………)