|

20-Guuradii ka soo wareegtay Xasuuqii ka dhacay sannadkii 1994-kii Dalka Rwunda oo maanta laga xusayaay Dalkaasi.

07,Apr.2014(SDN)-Waxa maanta iskugu tagay Magaalo madaxda Dalka RWunda ee Kigaali,madax sare oo ka socta Caalamka iyo Afrika,iyadda oo la xusayay  dadkii lagu xasuuqay dalkaasi 20 sanno ka hor.kaas oo lagu dilay dad ka badan 800,000 oo dad ah.

Xaflad balaadhan maanta oo isniin ah ka dhacday Magaalo madaxda dalkaasi ee  Kigali,ayaa Madaxweynaha dalkaasi iyo Xog-hayaha guud ee Qaramadda Midoobay waxay si wada jir ah u shideen Shamac baroor diiq ah,taasoo olali doonta ilaa 100,cisho.

Xuskan ayaa ah mid lagu xasuusanayo ka dib markii ay maleeshiyeed kasoo jeeda Qawmiyadda Hutuga,ay soo weerareen meelo ka mid ah dalka,iyaga oo dilay Tuutsiyiin iyo rag kale oo Aqoonyahano ahaa oo ka tirsanaa Huto,ka dib markii uu Madaxweynihii dalkaasi uu  ku dhintay Shil Diyaaradeed.

Xafladan ayaa kulmisay Marti sharaf ka kala timid dalalka Gobolka iyo Caalamkaba.

Mr. Baan,ayaa daobbolka ka qaaday in ay Qaramadda midoobay ay ku hawlantahay ka hor tagida in aanay dhicin wixii Ruwanda ka dhacay 20 sanno ka hor.

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed