War Degdeg ah: Xaruntii Wargeyska Haatuf Oo Ciidamo Hubaysani La Wareegeen
Hargeysa:07-April-2014(SDN)-Waxa Daqiiqado ka hor Ciidamo Hubaysani ay La Wareegeen Xaruntii Wargeyska Haatuf oo ka mid ahaa Wargeyska Madaxa Bannaan eek a soo Bixi jirey Magaalada Hargeysa.
Ciidankan la wareegay Xarunta Wargeyska, ayaa la Sheegay inay SHeegeen inay Sitaan Waaran Maxkadeed oo uu ku Saxeexnaa Garsooraha Maxmakdda Gobolka Maroodi jeex Axmed Ismaaciil Dalmar.
Xilliga la Xidhayey Wargeyska Haatuf, ayaa waxa Xarunta Wargeyka ka Socotay SHaqadii Caadiga ahayd, waxana Shaqaalaha lagu Amray inay Joojiyaan Shaqada oo ay Meesha dhaafaan.
Wargeyska Haatuf ayaa ayaamihii ugu dambeeyey waxa Uu Qorayey Warar La Xidhiidha Eedaymo uu u jeedinayey Wiil Madaxweyne Siilaanyo Soddog u yahay oo Madaxtooyada si weyn ugu Xidhan.
Muddo Haatan Laga Joogo Saddex Bilood iyo saddex iyo Soddon maalmood ayeyy Xukuumaddda madaxweyne Siilaanyo Sidan oo kale U Xidhay Wargeyskii Hubaal oo isaguna ka mid ahaa Wargeysyada Madaxa abannaan ee Hargeysa ka soo Baxa, ilaa iyo imikana waa uu xidhan yahay.
S.D.N