|

Qaramada Midoobay Oo Qoraal Cambaarayn iyo Amar iskugu Jira Ka Soo Saartay Dilkii Galkacyo Loogu Geystay Saraakiishii u Shaqaynaysay

Nairobi:07-April-2014 (SDN)-Saacado uun ka dib markii Magaalada Galkacyo lagu Khaarajiyey Laba Nin oo Ajaanib ah, ayuu Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia si kulul u cambaareeyey Falkaas.

gaaliQoraalka Nicholas Kay, waxaa lagu farray madaxda dawladda Puntland in ay baadhitaano buuxa ku sameeyaan arrintan isla markaana cadaaladda horkeenaan cidda ka dambeysay, Isagoo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada shacabka Soomaaliyeed, oo aanay Falal Noocaas oo kale ahi ka Carqaladayn doonin u jeeddadeeda.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa dilka saraakiishan UN-ka ka tirsan, kuwaas oo u joogay Gaalkacyo inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yidhi Nicholas Kay.

Sidoo kale waxuu sheegay wakiilka Soomaaliya u qaabilsan in wax laga xumaado ay tahay dilka loo gestay shaqaalaha ka tirsan Qaramada Midoobay oo ahaa qaar aan cidna dhibaato u geysanin.

Dilkan waxaa uu yimid kadib markii askari ka tirsan ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo uu rasaas ku furay laba sargaal oo ka tirsan Qaramada Midoobay,waxaana la sheegay inay ukala dhasheen dalalka Faransiiska iyo Britain.

Labada sargaal oo an wali magacooda la shaacin,waxaa ay ka ka tirsanaayen hay’adda UNODC,waxaana dilkooda uu dhacay xilli ay kasoo degeen garoonka diyaaraddaha Gaalkacyo.

Dowladda Puntland,wali dhinaceeda kama soo bixin wax war ah,balse waxaa muddo saacada ah uu shir ka socda garoonka diyaaradaha Gaalkacyo,waxaana shirka ka qeyb-galaya madaxweynaha Puntland oo isaguu xilligii ay dhacdada dhacay soo gaadhay Gaalkacyo.

Dilalkan Noocan oo kale ah ayaan laga Filaynin inay ka dhacaan Garoonka Galkacyo oo Si weyn Ammaankiisa loo Adkeeyey, waxana la sheegaya in askariga dilka Geystay aanu Wadanin wax qori ah, basle uu kala Booday Askari oo Xilligaas Shaqadiisa ku jirey.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed