|

Wefti ka Socda Wasaarada Duulista oo London kaga qayb galaya Shir Muhiim ah

London 07.April 2014 (SDN)- Wafti Ka Kooban Laba Xubnood Oo Ka Tirsan Wasaaradda Duulista Hawadda Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Ayaa Maanta Gaadhay Caasimada Dalka Ingiriiska Ee Lodon Halkaasi Oo Ay Kala Qayb Gali Doonaan Shir Muhiim Ah.

weftiWaftigani Oo Uu Hogaaminayey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Iyo Hawadda Mr.Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), Isla Markaana Uu Ka Mid Ahaa Sarkaalka Dhinaca Amaanka Madaaradda Dalka Ugu Sameeya Cadnaan Isaaq Cali Ayaa Waxa Ay Halkaasi Kaga Qayb Gali Doonaa Shir Ku Saabsan Amaanka Madaaradda Dunida.

Socdaalka Masuuliyiintani Ayaa Waxa Lagu Faahfaahiyey War Saxaafadeed Uu Magaalada Hargeysa Ka Soo Saaray Afhayeenka Wasaaradda Duulista Saddam Maxamed Axmed, Kaas Oo U Dhignaa Sidan:-

“ Wafti Ka Kooban Laba Xunood Oo Kale Ah Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Iyo Hawadda Mr.Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), Iyo Sarkaalka Dhinaca Amaanka Madaaradda Dalka Ugu Sareeya Cadnaan Isaaq Cali Ayaa Maanta Gaadhay Magaalada Lodon Ee Caasimada Dalka Ingiriiska Ka Dib Markii Ay Martiqaad Rasmiya Ka Heleen Dawlada Ingiriiska

Labada Masuul Ayaa Waxay Ay Magaalda Lodon Kaga Qayb Gali Doonaan Shir Balaadhan Oo Ku Saabsan Sare U Qaadida Amaanka Madaaradda Dalalka Ingiiska La Saaxiibka Ah Oo Ay Somaliland Ku Jirto, Shirkaasi Oo Soco Doona 07 Ilaa 09 Bishan April, Ayaa Waxa Xubanahi Somaliland Ay Ka Jeedin Doonaan Khudbad Ku Saabsan Xaalada Amaan Ee Madaaradda Somaliland Iyo Isbadal Weyn Ee Wasaaradda Duulistu Ay Ku Samaysay Sanadihii Ugu Dambeeyey.

Shirkani Ayaa Waxa Sidoo Kale Lagu Falan Qayn Doonaanaa Sidii Loo Abuuri Lahaa Iskaashi Iyo Wada Shaqayn Ay Yeeshaan Wadama Shirka Ka Qayb Galaya.”

ALLA MAHAD LEH.

Sadaam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Duulista Iyo Hawadda JSL.

Comments are closed