Maanta oo ay Ku Beegan tahay Maalinta Caafimaadka Adduunka, Danyarta Somaliland Oo Xaaladii Ugu Liidatay Ku Sugan Iyo Mihnadlayaashii Caafimaadka Oo Noqday Ma Naxaan Aan U Damqan Danyartooda Diifayan
Hargeysa:07-April-2014(SDN)-Maanta oo ay Taariikhdu Tahay 7-da Bisha April, waxana Dunida laga Xusaa maalinta Caafimaadka Adduunka, balse Dad badan oo Somaliland ku dhaqan macno uma samaynayso taasi.
Xuskaas Adduunku u samaynayo Maalinta Caafimaadku Gudaha Somaliland lagama Dareensana, waxana Dadka Danyarta ah ee Dalka ku nooli la Tiicayaan Murugo iyo dhibaato ay Xanuuno ruuq dheeraaday ku reebeen oo la Xidhiidha dhinaca Caafimaadkooda oo aanay daryeel ku haysanin.
Nolosha Maanta ee Danyarta ku Dhaqan Somaliland ayaa ka Warwara in badan Caafimaadkooda, waxana ay Dadkii Cilmiga Caafimaadka Aqoonta u lahaa Noqdeen Kuwo aan u damqan danyartooda oo kaliya ka Shaqeeya oo ku mashquulsan sidii ay Lacag u heli lahaayeen.
Cisbitaalka kaliya ee Dawladdu leedahay, ayaa Haatan isagu maraya Xaalad aan wanaagsanayn, mana jiraan Wax dhakhaatiir Khubaro ah oo lagu soo Hirto, iyadoo ay ciddii cilmiga caafimaadka U Saaxiibka ahayd goobo gaar ah furteen, isla-markaana ay Aragtidooda Lacag ka Dhigeen intaan daawadiiba la gaadhin.
Wasaaradda caafimaadka ayey Masuuliyiinteedu ku milmeen Danaysiga Dhakhaatiirta, waxana ay HOggaanka Wasaaraddu Heshiis kula Galeen Dhakhaatiirta Sida Gaarka ah u shaqaysata inay Goobahooda Tagaan, taas Beddelkeedana ay Lacago Gaar ah Ku Laaluushaan Xubnaha ugu sarreeya Wasaaradda Caafimaaadka.
Tallaabooyinka Noocaas ah ayaa Guud ahaanba Baaba Ka Dhigay Shaqadii iyo mudnaantii la Siin Lahaa Cisbitaalka Dawladda, waxana imika Goobahaas iskugu soo Hadhay Dad aan Aqoon durugsan u lahayn Caafimaadka, iyadoo taasina ay Hoos u dhigtay Aaminaaddii shacabku ku qabeen Cisbitaalka Dawladda.
Xuska Maalintan iyo Soo Hadal-qaadkiisa ayaa Dad badani si weyn u dhibsanayaan, maadaama ay La’ yihiin wax ay isku Daweeyaan oo ay Caafimaadkooda ku Daryeelaan, sababo la xidhiidha Jeebkooda oo Hooseeya iyo Dhakhaatiirtii Gaarka loo lahaa oo Lacago Xad dhaaf ah qofka ku xidhaya.
Xukuumadda ayaa u muuqata mid aan dhibkaas Xalkiisa Haynin, waxana taasi ay Niyad jab ku Haysaa Dadka Noloshoodu Hoosayso oo iyagu ah Tirada ugu Badan ee Somaliland ku Nool.
S.D.N.
Contact@somalidiasporanews.com