|

Khilaafkii Hoggaanka Wasaaradda Warfaafinta Oo Markale Soo Curtay Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Raadinaya Halka Sartu Ka Qudhuntay

Hargeysa:06-April-2014(SDN)-Waxa tan iyo intii uu Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu Caynaanka u qabtay wasaaadda Warfaafinta,Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, waxa  xal loo la’yahay Murrano Xadhkaha goostay oo soo Noqnoqday, kuwaas oo dhexyaalla xarunta wasaaaradaas.

 

tataam Murankaas oo ka bilaabmay Maareeyaha Tv-ga qaranka  Khadar Cali Gaas iyo Wasiirka, ayaa ku faafay Shaqaalaha Dhexdooda, iyadoo labada Masuul midkastaaba Wasaaradda Dhexdeeda ka samaystay Taageerayaal si Hoose ugu soo Gudbiya   Hadba Meesha wax Marayaan iyo sida xaalku yahay.

 

Sidoo Kale Xarunta Madaxtooyada ayaa in badan isku dayday inay Dhamayso oo Soo Afjarto Murankaas Dabada Dheeraaday, balse taas waxa Biyo Col dhaanshay ka Dhigay  Wasiiro Madaxtooyada Awood ku leh oo ka soo Horjeeda in Garta La qaado amaba cidda khaldan Khaladkooda loo sheego, waxana ay Arrinta turxaan Bixintu dhaafi weyday in Labada Masuul kaliya loo sheego inay Wada shaqeeyaan, waxana ay Arrintu Noqotay in Milil korkiisa la dhayayo.

 

Muddooyinkii ugu dambeeyey ayey Mar kale Arrintu xadhkaha Goostay, waxana Dhacday in  is-kooxaysi ka dhex aloosmo shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta dhexdeeda, taas oo aakhirkii keentay in Qayb shaqaalaha ka mid ah laga jaray Gunnooyin ay hore u qaadan jireen kadib markii  lagu eedeeyey inay la safan yihiin dhinac ka mid ah kooxaha is haya, isla-markaana dhinaca looga gudbiyey warar aan fiicnayn oo iyaga ka dhan ah.

 

 

 

Bishii Haatan in dhaaftay dhaawacii soo gaadhay Wasiir Cukuse ayaa keenay in Arrintu mar kale dib u  curato, iyadoo Wasiirka wararka iyo dhaqdhaaqyada ka dhex jira Wasaarada lagu siin jirey Dalka Djibouti oo uu ku sugnaa, taas oo keentay inuu Soo Gaabiyo  Safarkiisa caafimaad ka hor intii aan loo ogolaan inuu ka  baxo  Cisbitaalkii Lagu daaweynayey.

 

Kooxda Shaqaalaha wasaaradda Ka Tirsan ee Taageersan wasiir cukuse ayaa qabanaabisa y Soo Dhaweyn indho-sarcaad ah oo looga dan lahaa in  maareeyaha lagu tuso inaanu Haysanin wax taageero ah, waxana markii dambe is daadraaciyey Maareeye Khadar cali Gaas oo aan Markii hore jeclayn in Qaabka Noocaas oo kale ah loo soo Dhaweeyo Wasiirka balse  markii uu meel uu ku hadho waayey ka  qayb galay Munaasibaddii soo Dhaweynta Cukuse ee Dhoolo tuska ahayd.

 

Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan kuwa Telefishanka, ayaa Haatan meel adag ka taagan inuu Maareeyaha Telefishanku sii Shaqeeyo, waxana ay intooda badani isku raacsan yihiin in si degdeg ah loo Beddelo Maareeyaha, maadaama ay saluugsan yihiin Hannaanka uu shaqada u wado oo ay u arkaan inuu Haba yaraatee danaynaynin Xuquuqdooda oo  uu foogan yahay sidii uu khilaafka u  dhexeeya wasiirka u sii hurin lahaa oo kaliya.

 

Maareeyaha TV-ga qaranka ayaa isagu taageero ka Haysta Koox Haween u badan oo Madaxtooyada Awood ku leh, kuwaasoo ay ugu horreeyaan Wasiirka Wasaaradda Waxbashada iyo waliba Agaasimaha Hay’adda Samofalka Madaxtooyada uu isku Hallaynta ugu badan ka qabo.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu in Badan isku Dayey inuu Khilaafka si qoto dheer u axadho oo Natiijo Wax ku Ool ah laga Gaadho, balse waxa inta badan taas diidan Kooxda Maareeyaha Taageersan oo aan jeclayn in Gartooda loo sheego, kuwaas oo soo jeediya in shaqada la sii wado oo jawiga la dejiyo oo kaliya.

 

Maareeye Khadar Cali  Gaas ayey muddooyinkii ugu dambeeyey kalaxidhiidh furteen Taageerayaal Badan oo uu ku lahaa Aqalka Madaxtooyada, kuwaas oo ay ugu horrayso Marwo Aamina waris oo Haatan ka Daashay Taageerada Madaxtooyada laga Siiyo Maareeyaha, iyadoo sababtuna Tahay inuu Wasaaraddii ka dhigayXuddunta KHilaafka, isla-markaana uu curyaamiyey Horumarkeedii iyo Hiigsigii la Doonayey Inay Gaadho.

 

Ilaa iyo Haatan Ma Muuqato wax Tallaabo ah oo xididada looga siibayo Khilaafka gaamuray ee dhex jiifa Wasaaradda Warfaafinta Gaar ahaan Wasiir cukuse iyo Maareeye KhadarCali Gaas, waxana imika Xalka ugu dambeeya Laga Sugayaa Madaxweyne Siilaanyo oo Marar Hore oo uu  Arrintaas Turxaan Bixinteeda isku dayey aanay wax midho ahi Ka Soo Bixin.

 

S.D.N

Conact@somalidiasporanews.com

Comments are closed