|

Dhibaatada Ciidanka Kenya Ku Hayaan Soomaalida Xaafadda Islii Oo Gaadhay Heer Baarlamaanka Somalia Si Weyn u Naqdiyaan

Muqdisho:06-April-2014 (SDN)-Guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa  si kulul u cambaareeyay howlgallada Arxandarrada ah ee Ciidanka Kenya ku Hayaan Soomaalida Deggen Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

gacanXildhibaan Muuse Sheikh Cumar oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga ahna ku-simaha guddoomiyaha guddiga ayaa ugu baaqay madaxda dowlada Kenya inay fiiro gaar ah u yeelato howlgallada ay ciidamadeeda ka waddo xaafadda Islii, halkaasi oo ay ku badan yihiin Soomaalida, isla-markaana ay ka soo Baxayaan Warar dhiilo leh oo lagu waxyeelaynayo dadka soomaalida ah.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa intaas raaciyay in muwaadiniinta Soomaalida ay mudan yihiin in la siiyo xushmadda ay xaqa u leeyihiin, isla markaana aan la takoorin, walow Kenya ku ammaanay soo dhoweynta qaxootiga.

“Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu soo saari doonaan dhowaan sharci cusub iyo shuruucyo  oo ay dowladda Soomaaliya kula xisaabtameyso ammaanka iyo nabadgalyada muwaadiniinta ku nool dalka dibadiisa” ayuu yidhi Xildhibaan Muuse Sheikh Cumar oo warbaahinta la hadlay.

Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay in ka badan 3000 qof oo ay u badan yihiin Soomaali, kaddib markii howlgal ballaadhan oo ay ciidamadeeda ka fuliyeen maalmihii la soo dhaafay xaafadda Islii oo ay qaraxyo ka dhaceen toddobaadkii la soo dhaafay.

 

S.D.N

Conact@somalidiasporanews.com

Comments are closed