Kenya Oo Gacanta Ku Dhigtay Nin Soomaali ah Oo Haysta Dhalashada Sweden Oo Kooxda Alshabaab Dhallinyaro u shaqaalaysiinayey
Nairobi:06-April-2014(SDN)-Sida uu qoray Wargeys Ka Soo Baxa Dalka Sweden oo loo Yaqaan The Local, Ciidanka Ammaanka Kenya ayaa Xabsiga DHigay Nin Soomaali ah oo Dhalashada Dalka Sweden Wata, kaas oo dhallinyaro u qorayey ururka Alshabaab.
Ninkaasi ayaa la xidhay bishii hore ee March 28-dii, isagoo ku sugan Degmadda Kapsowar ee Gobalka Rift Valley ee Galbeedka dalka Kenya.
Arthur Osiya oo ka tirsan Boliska magaalladda Nairobi ayaa u sheegay Telefishinka dalka Sweden ee SVT in ninka la qabtay haatan loo soo gudbiyey magaalladda Nairobi, isla-markaana baadhitaano lagu samayn doono.
“Ninku waa Swedish, waxaana haatan loo gudbiyey Nairobi. Ma jiraan faahfaahin dheeraad oo aan haatan idin siin karo oo inaas dhaafsiisani” ayuu yidhi Arthur Osiya.
Ilo dhinaca ammaanka ayaa u sheegay Telefishinka SVT in ninka lagu xidhay Kenya uu asalkiisa Somali yahay, isla-markaana uu muddo joogay Kenya.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Ammaanka Sweden (Säpo) ku-dhawaad 30-qof ayaa ka safray dalka Sweden, kuwaasi oo ku biiray dhaqdhaaqyadda dagaal ee Xarakadda Alshabaab, taas oo Dalka Kenya ku dhalisay Shakiga ah inay Si Gaar ah u la socdaan Dhaqdhaqaaqyada Dhalinyarada Dibadaha ka Timi ay wadaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sweden oo wax laga weydiiyey Ninka haysta dhalashadda Swedish-ka ee lagu xidhay dalka Kenya ayaa xaqiijin wayday faahfaahinta ninkaasi lagu xidhay Kenya.
Afhayeenka Warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Catarina Axelsson ayaa u sheegtay Wakaalladda Wararka ee TT News Agency in loo baahan yahay in lala xidhiidho ninka ay Boliska Kenya xidheen.
S.D.N
Conact@somalidiasporanews.com