“Dhawaaqa Shefeild Waa Mid Lagu Farxo” C.laahi Cismaan Geel Jire
Hargaysa 05.April 2014 (SDN)- Wasiirkii hore wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Mud:Cabdillaahi Cismaan (Geeljire), ayaa si wayn u soo dhaweeyey go’aanka Golaha Deegaanka ee Magaalada shefeild ku ansixiyyen madax-banaanida Somaliland.
Wasiirka oo maanta Qurbejoog.com ay kula kulantay mid ka mida huteelada Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay shacbiga Somaliland meelkasoo ay joogaan waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaan soo dhawaynaynaa dhawaaqa ka soo yeedhay Golaha deegaanka ee Degmada Shefeild waana mid lagu farxo..”
Mudane Geel Jire oo la waydiiyay waxay ka tari karto arrintani xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada wadan waxa uu yidhi “Wax wayn ayay ka tari kartaa inaguna xidhiidhka waynu aqoonsanahay mar walbana inuu wanaagsanaado oo intii hore ka sii wanaagsanaado waynu ka shaqaynaa.
Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga Somaliland, oo la waydiiyey rejada uu ka qabo in qaddiyadan loo gudbiyo barlamaanka waddanka Ingiriiska ayaa waxa uu ku jawaabay “horta waxa weeyaan waa deegaan markaa dadkii metalayay waxay garteen inay qadiyaddeena taageeraan, waxa laga soo doorta deegaanka dad baarlamaanka ku jira oo raysalwasaare ku xigeena uu ku jiro, sidaan maqlay una badan xisbiga laber-ka deegaankoodu wuxuu qabo ayay baarlamaanka geeyeen, markaa rejo wanaagsan ayaynu ka qabnaa”.
Hargaysa SDN.