Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland iyo Nuxurka Qoraal uu u diray Eu iyo Hogaamiyeyaasha Africa
London 05.April 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shirka hoggaamiyayaasha Afrika iyo Midowga Yurub ku yeesheen Magaalada Brussels u diray qoraal uu ku codsanayo inay taageero u fidiyaan Aqoonsi Somaliland ay beesha caalamka ka hesho.
Sida uu baahiyey Wargeyska EurActive, Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in aqoonsi Somaliland ay beesha caalamka ka hesho uu kor u qaadayo dhaqaalaheeda, taasina ay door ku yeelanayso horumarka dalalka Afrika.
Wasiirku waxa uu sheegay inay Somaliland tahay dal Madax-banaan oo leh adeegyadii qaran Madax-banaan looga baahnaa “Somaliland waa dal madax-banaan oo dimuqraqadiyadi ka jirto, una gooni yihiin adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada aasaasiga ah ee muhiimka ah” ayuu yidhi, Wasiirku waxaanu intaasi ku daray “Sidaa daraadeed waxaan uga baahanay Midawga Yurub inay na aqoonsadaan si uu u xoogeysto xidhiidhka naga dhaxeeya oo dhaqaalaheenuna horumar u gaadho”.
London SDN.