|

Xisbiga Waddani oo Masuul Cusub u magacaabay Qurbejoogta Xisbigaasi

05.Apr.2014(SDN)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani,ayaa maanta u magacaabay md.Mukhtaar Murre Afhayeenka Xisbigaasi ee Qurbejoogta dibadda.masuulkan xilkan cusub uu maanta u magaacabay Gudoomiye ku-xigeenka Xisbigaasi,ahna Ku simaha Gudoomiya Md.Axmed Muumun Seed,ayaa hore u ahaa Afhayeenka Taageerayaasha xisbiga Waddani ee Waddanka Maraykanka.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Ku-simaha Gudoomiyaha ahna G/ku-xigeenka Xisbigaasi Md.Seed ayaa u dhiganaa sida tan : “Waxaan manta oo taariikhdu tahay 5 April 2014 aan u magacaabay Md. Mukhtaar Mure Warsame in uu noqdo Afhayeenka Qurbejoogga Xisbiga WADDANI isla markaasna lagu daray Golaha Fulinta Xisbiga WADDANI.
Waxan ilaahay uga baryeynaa in uu ku soo biirin doono xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah iyo in uu ku soo kordhin doono waayo aragnimadiisa.”
ALLAA MAHAD LEH
Md. Axmed Muumin Seed
Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI
Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad
SDN-Hargaysa
Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed