Wakiilka dalada mucaaridka Jabuuti ee USN u fadhiya Canada Xuseen Cadhoole oo la kulmay Safiirka Tunisia Canada iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas (SAWIRO
ttawa April 05,2014(SDN)-Safiirka dalka Canada u fadhiya dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN Md Xuseen Cabdiraxmaaan Jaamac Cadhoole ayaa la kulmay Safiirka Tunisiau fadhiya magaalada Ottawa ee dalka Canada iyo wefdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Tunisia Prof Mustapha Ben Jaafar.
Md Xuseen Cadhoole wakiilka USN ayaa masuuliyiinta Tunisia ee uu la kulmay u sharaxay xaalada dalka Jabuuti iyo dedaalada Dimuqraadiyada loogu soo dabaalayo Jabuuti ee ay wado dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN.
Md Xuseen Cadhoole waxa uu isbarbardhig ku sameeyay dawladii keligii teliye Ben Cali ee Tunisia iyo keligii taliye Ismaciil Cumar Geelle.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Tunisia iyo safaiirka Tunisa ee Ottawa oo ka mid ahaa mucaaridkii kacdoonka ku riday madaxweynihii Tunisia ee Bin Cali ayaa mucaaridka Jabuuti ku guubaabiyay in dalkooda ay isbedel dhab ah u horseedaan.
Masuuliyiinta Tunisia ayaa Mucaaridka Jabuuti u balan qaaday wada shaqeyn in ay la yeelan doonaan isla markaana ay xaaladooda dunida u gudbin doonaan.
SDN-Ottawa