|

Ganacsade Soomaaliyeed Oo Caan Ahaa Oo Habeenkii Xalay Lagu Dilay Nairobi

Nairobi:05-April-2014 (SDN)-Ganacsade Saciid Abuukar Cumar Caddaan oo ah Ganacsade caan ah oo ka dhex shaqeyn jirey magaalladda Nairobi iyo dalka Koonfurta Sudan, uuna dhalay ganacsadaha caanka ah ee Abuukar Cumar Caddaan, ayaa xalay lagu dilay magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

BASTOLADDad Goob Joogayaal ahaa ayaa Warbaahinta u sheegay in Marxuumka ay Kooxo Hubaysani isku Hor Gudbeen Gaadhigiisa oo Marayey Waddada Mombasa Road ee Tagta Garoonka Jomo Kenyata Ineternational Airport ee Nairobi.

Dableyda hubeysan waxay tacshiirad huwiyeen Ganacsade Saciid Abuukar Cumar Caddaan, oo halkaasi ku geeriyooday, waxayna dableyda gaadhiga ka qaateen Kombiyuur-gacmeed Laptop iyo Boorso saarnayd gaadhiga Marxuumka, iyagoo isla-markiiba Baxsaday.

Ma kala cadda kooxda dilka geystay inay ahaayeen budhcad doonaysay inay dhacaan Ganacsadaha iyo in ujeedo kale ka dambeyso dilkaasi, maadaama Xilliyadan dambe Dilalku ku soo Badanayaan Dalkaas.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi, Cali Bagadi ayaa  xaqiijiyey Dilka Ganacsadahaas caanka ahaa, waxana uu Sheegay in Habeenkii xalay uu Dilkiisu dhacay.

Maalmihii la soo dhaafay, xaalladda magaalladda Nairobi ayaa ahayd mid aad u kacsan, iyadoo ay qaraxyo iyo dilal ka dhaceen.

Dilalka Qorshaysan ee Kenya ka dhacayey ayaan innta badan lala Badhtilmaameedsan jirin dadka Ganacsatada ah, balse waxa ay u badnaayeen Dadka Diimaha kala duwan ku xidhan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed