|

Roobab Laxaad Leh Oo Xaalay Ilaa Saaka Ka Da’aya Hargeysa Iyo Hareeraheeda

Hargeysa:05-April-2014(SDN)-Roobabka Guga ayaa Xalay Saacadihii Dambe ka Bilaabmay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo Goobo Badan oo ku Hareeraysan.

da'aRoobabkan  oo ilaa iyo Haatan Da’aya Ayaan wali la soo Sheegin wax Khasaare ah oo ay Geysteen, waxana ay ahaayeen kuwo aan Dabaylo iyo dhibaato kale midna lahayn oo shacabku si weyn ugu diirsaday.

Gebi ahaanba Toggaga Waaweyn ee Caasimadda Hareeraha iyo Badhtamaha ka Mara ayaa saaka ay Biyuhu Qulqulayaan xilli maalmahan Dambe  Dadku dareemayeen Kulayl xad dhaaf ah  oo Habeenkii iyo Maalintii ah.

Roobabkann Xalay ka bilaabmay Caasimadda ayaa bar Bilow u ah Guga oo sida caadiga ah Bilaabma Bisha Afraad ee Sanad kasta, waxana si weyn Roobkan looga sugayey Goobaha Beeraha ah iyo waliba Meelaha Xoolaha Lagu dhaqdo sida Hawdka oo kale oo ay ku Nool yihiin Xoolaha ay Inta badan Somaliland Caalamka u dhoofisaa.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed