|

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID oo Shacabka u soo bandhigay Kharashaadka ku baxa Soo dhaweynta Wasiirada Somaliland

London April 04,2014(SDN)-Musharaxa madaxweynaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Jamaal Cali Xuseen ayaa ka waramay khrashaadka ku baxa hantida dadweynaha ee la xiriira soo dhaweynta baahsan ee loo sameeyo wasiirada xukuumada Axmed Siilaanyo ee dalka dib ugu soo laabta.

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal arinkan uu ka soo saaray ku yiri:

“$2 Million oo Dollar ayaa ku baxa Soo Dhaweynta Wasiirada. Somaliland maanta ma awood baynu u leedahay in wasiir walba sida maamuus kii madaxweynaha lagu soo dhaweeyo.

Waxaaba la sheegayaa in wasiirada soo dhaweyntooda ay Ku baxdo markiiba $5,000 Shan Kun oo dollar. Haddaba markaan xisaabiyey in celcelis ahaan wasiirkiiba sanadkii aan yareeyoo 4 jeer la soo dhaweeyo, oo 50-ka wasiir ee xukuumaddan la xisaabiyo ugu yaraan sanadkii waa Hal malyuun oo dollar.

Hadaan Ku daro Hal malyuun oo dollar oo safarada goboladda ah, waxay isku tegaysaa isu-geynta lacagtaasi $ 2 million oo soo Dhaweynta iyo safarada goboladda ah.

Hadda weliba kumaan Darin safarada ay dibadda ugu baxaan kharashkooda, bal aan u yareeyee oo Ilaahay baan idinku dhaarshee miyaan lacagtaasi laga soo guray canshuurta shacabka Somaliland ee dan’yarta ah aynaan wax kale uga faaiideysan Karin”

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed