|

Dilka Saxafiiyiin reer Galbeed ah oo ka dhacay dalka Afqanistan

04,Apr.2014(SDN)-Waxa goor hore oo maanta lagu toogtay mid ka mid ah Gobolada ugu Qaska iyo Qalalasaha badan ee dalka Afqanistan laba wariye oo ka tirsan Warbaahinta reer Galbeedka.
Warar ayaa sheegaya inuu toogashadda labadan suxufi oo Haween ah uu ka danbeeyay Askari ka tirsan ciidamadda waddanka Afqanistan.
Anja Niedringhaus oo 48-jir ahayd ayaa dhimatay, waxayna ahayd sawir-qaade u dhalatay dalka Jarmalka, iyadoo suxufiyadda kale ee dhaawaca soo gaadhayna oo lagu magacaabo, Kathy Gannon una dhalatay dalka Canada ay ahayd tabiye dhinaca wararka ah.
Dilka warfidiyeenaddan ayaa ku soo beegmaya iyadda oo maalinta bari ah loo balansanyahayb inay dalkaas ka qabsoomto Doorashii dhinaca Madaxtinimada.
SDN,Kabul.
Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed