Midawga Yurub ayaa maanta kulan ay kaga hadlayaan arimaha Dalka Ukraine ku leh caasimada dalka Giriiga ee Atanis.
04,Apr.2014(SDN)-Wasiiradda arimaha dibadda ee Midawga reer Yurub,ayaa maanta shir balaadhan ku leh caasimadda Giriiga ee Atanis,kaas oo ay kaga wada xaajoonayaan Xaaladda cakiran ee uu haatan ku suganyahay dalka Ukraine,iyaga oo dhinac kale si ba’an ugu dhaliilay dalka Ruushka inuu sabab u ahaa dhimashadda Tobonaan qof oo dhintay intii lagu gudo jiray Banaabaxyadii looga soo hor jeeday Hogaamiyihii hore ee waddankaasi.
Sida laga war qabo waxa bilawgii bishii ina dhaaftay ay ku soo rogeen Miadawga yurub iyo maraykankuba cuno qabatayno dhaqaale oo ka dhan ah Ruushanka,iyada oo talaabadii ugu danbaysayna ahayd in laga saaray Ururka ay ku Bohoobeen waddamadda ka horumaray dhinaca dhaqaalaha ee loo yaqaano G8-ka.
Atans,SDN.
Contact@somalidiasporanews.com