Saacid Faarax Garaad “Ma xiisaynayo inaan Waqtigaan Xildhibaan noqdo
Muqdisho April 04,2014(SDN)-Xili uu dhawaan shaaciyey xubintii uu ka hayay barlamaanka Soomaaliya inuu iska casiley Ex Xildhibaan C/laahi Maxamed Xirsi “qorrax” ayaa waxaa warar soo baxayay sheegayeen inuu badali doono Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.
Ilo lagu kalsoonyahay oo ku dhaw Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa sheegay xiligaan inuusan diyaar u ahayn inuu qabto jagadii uu beneeyay Xildhibaan Qorrax.
“Xiligaan diyaar uma ahan inuu qabto Ra’iisul Wasaare Saacid jagadii uu beneeyay Xildhibaan Qorax, maalmahaan waxaa la isla dhex marayey inuu danaynayo xilkaasi, balse waxaan halkaan kaaga cadaynayaan Saacid inuusan waqtigaan diyaar u ahayn inuu Xildhibaan ka noqdo barlamaanka Soomaaliya” ayuu yiri mid kamid ah masuuliyiinta ku dhaw Shirdoon oo ka gaabsaday magaciisa inuu shaaciyo.
Dhanka kale Masuulkaasi ayaa xusay Ra’iisul Wasaare Shirdoon inuu u hambalyaynayo cid walba oo jagadaasi qabata isla markaana uu la shaqayn doono.
Tan iyo markii uu shaaciyay Xildhibaan Qorax inuu iska casilay xubintii uu baarlamanka Soomaaliya ka hayay ayaa waxaa soo baxayay siyaasiyiin kasoo jeeda beesha uu ka dhashay oo iyagu doonaya inay booskaasi buuxinayaan, waxaana hadalka masuulkani ku dhaw Ra’iisul Wasaare Shirdoon imaanaya iyadoo maalmahaan ay qaar kamid ah warbaahinta Somalidu qorayeen inuu barlamaanka kusoo biirayo Ra’iisul Wasaare Shirdoon.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com