|

Xisbiga Waddani oo Sheegay in Xiligii Dawladii Rayaale ay 46 Xildhibaan oo Uk ahi ay u Ololayn Jireen Qadiyada Somaliland,Halkay ku Danbeeyeen,iyo Sawirka Maanta

Hargaysa 03.April 2014 (SDN)- Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna ku simaha Guddoomiyaha Axmed Muumin Seed,ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay lumisay intii ay xilka haysay 46 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo xilligii Xukuumaddii Rayaale taageersanaa Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland,waxaa kaloo uu Guddoomiye ku-xigeenka Xsbiga Mucaaridka ah ee Waddani hambalyo u diray golaha deegaanka ee degmada Shefield oo uu ku hambalyeeyay go,aanka ay aqoonsadeen Madaxbanaanida Somaliland.

 

muumin seedWaxaa kaloo uu intaa ku daray Guddoomiye ku-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed in arrinta ama tallaabada ay qaadeen golaha deegaanka degmada Shefield ay tahay mid ay ka soo shaqeeyeen shacabka Somaliland kuna amaanan yihiin laakiin ay Xukuumaddu isku sawirayso.

 

“Waxaan halkan aan kalmad kooban oo hambalyo ah aan u dirayaa Golaha Deegaanka Ee dagmada Sheffield oo runtii qabtay arin muhiima oo aynu u baahnayn hadaynu nahay reer Somaliland,Mahad naq balaadhan iyo hambalyo ayaan u jeedinayaa hawshaa balaadhan ee ay noo qabteen, waxaan iyagana aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dhamaanba taageerayaasha xisbiga WADDANI oo iyagu marka runta la sheego door weyn aad uga ciyaaray iyo dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadatay iyo waliba dhamaanba jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dagmada Sheffield iyo  cid kasta oo hawshaa ka qayb qaadatayna waxaan leenahay waad mahad santihiin..”.

Waxaani intaa ku darau Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed  dhaliil uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu soo jeediyay inay ka seexatay aqoonsi raadinta Somaliland  isagoo tilmaamay inay ku liidato siyaasadda Arrimaha dibadda oo ay hoos u dhacday Qadiyadda Somaliland  dhanka dibadda intii uu Xilka Madaxweynenimo hayay Madaxweyne Siilaanyo

“.Runtii dalkeena marka aynu dib ugu noqono xukuumadihii isaga kala danbeeyey waxaa marag madoona oo aad ogaydeen in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uu hogaaminaayo Xukuumaddii ka horaysay ee Daahir Rayaale wakhtigii ay iyadu jirtay waxaa ad inoo taageeri jirey baarlamaanka Ingiriiska oo 46 Xildhibaan ayaa ina taageersanaayeen,Xukuumadan imika jirta 46-Kii Xubnood meel ay ku danbeeyeen iyo cid kadaba tagtay toona ma jirto taasina waxaa ay caddaynaysaa in Xukumaddani ay ku liidato arimaha dibadda iyo raadinta ictiraafka Somaliland,waayo? maanta halkaa aynu marayno horaan uga socon lahayn hadii dawladu ay aad u dedaasho waxaa maantana ay Xukuumaddu  ay isku sawiraysaa arinkaa golaha deegaanka ee Sheffield oo shicibka iyo Xisbiyada Mucaaridka ahi ay xoog uga shaqeeyeen oo ay Xukuumaddu ay tigidho badan ay u goosatay markaa waxaan leenahay Xukuumadda waa inay ka shaqaysaa oo ay u hawl gashaa dalkan sidii aqoonsi loogu helilahaa”.ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed