|

Masar:Qaraxyo xoogan oo gilgilay iyo Ikhwaanka oo canbaareeyay

03,Apr.2014(SDN)-Qaraxyo lagu hoobtay ayaa ka dhacay meelo kala gadisan oo dalka masar ah.mid ka mid ah Qaraxyadaa ayaa waxa lagu bartilmaameed saday sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamadda Masaarirda.Xukuumadda ku meel gaadhka ah ee ay badhi taageeryaan Milatarigu,ayaa waxay dalbatay Taageero caalami ah,si ay xidida ugu siibto waxay igu yeedhay ilaha ay ka soo borqanayaan kooxa argagixisadda ahi.
Dhina kale ururka Ikhwaanka ee laga mamnuucay waddankaasi ayaa si kulul u canbaareeyay Qaraxyadan waayadan danbe la daris noqday shacabka masaarida,iyaga oo intaas raaciyay inay sii waddi doonaa Banaanbaxyada Nabada ah ee ay kaga soo hor jeedaan Xukunka Milatariga ee dalkaas la wareegay.
Xaaladda dalka Masar,ayaa cirka isku sii shareertay ka daib markii,uu ku dhawaaqay madaxii sare ee Ciidamadu inuu isu sharaxayo Madaxweyneha dalkaas.taas oo keentay inay sooo laba kacleeyaan kacdonadda ka dhanka ah Taliska Milatariga ee Masar.
Masar,SDN.
Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed