Shir EU iyo Africa uga furmay Brussels, madaxweynaha Somalia oo ka qeybgalaya
Brussels 02.April 2014 (SDN)- Shir ay ka qeybgalayaan hoggaamiyeyaasha 80 dal oo Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ka kala socda ayaa maanta ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira hoggaamiye yaasha Afrika ee lagu casuumay shirka oo looga arrinsanayo colaadaha, muhaajiriinta sharci-darrada ku safra iyo casbida ka dhalatay qalalaasaha xag-jiriinta.
Shir gaar ah oo 15 hoggaamiye oo Afrikaan ah ay ka qeybgalayaan oo kulanka barbar socda ayaa lagu wadaa in looga wada-hadlo xaaladda dalka Central African Republic.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo gooni-gooni la qaato madaxda ka qeybgaleysa kulanka.
Brussels SDN