|

Ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka oo Soo Bandhigay Shaqo ka Joojintii Dr Macow iyo Xukuumada oo Sheegtay in aanu dalka ka Bixi karin Qurbejoog ka Daawo

Hargaysa 02.April 2014 (SDN)- Hogaanka Sare ee Ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha C.laahi Abokor Cismaan ayaa Si Wada Jir ah Shir Jaraa’id oo ay Maanta u qabteen Waxay kaga hadleen Sababihii Keenay in la joojiyo baadhistii Caafimaad ee uu Somaliland ka Samaynayay Dr Cali Macow.

Ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Somaliland ayaa Sheegay in Dr Macow uu Buuxin Waayay Shuruudihii looga baahnaa Isla markaana uu hab dalxiisa dalka ku Yimid .

Wasiir ku Xigeenka Amnigga ayaa dhankiisa sheegay in Dr Macow haatan uu ku Jiro Mid ka Mid ah Huteelada ugu Caansan ee Hargaysa Balse ay Hakiyeen inuu dalka ka Baxo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed