|

DAREENKA ARDEYDA REER SOMALILAND EE MALAYSIA IYO ICTIRAAFKA SHEFFIELD

Shacbi waynaha reer Somaliland meel wal oo ay joogaan Shalay 02-04-2014 waxay u ahayd maalin u ah Hididiilo, farxad iyo maamuus. Taas oo uu qof walba dareemayey in ay riyo lagu riyoonayey afkii furatey, haddana biqilkeedu bilaabmey.
Shacbi waynahaas dareenka waddaninimo qaba waxaa ka mid ah Jahliyadda iyo Ardeyda reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi Malaysia.
Qaar ka mid ah Ardeyda wadankaasi Malaysia ayey ka muuqatay rayn-rayn iyo farxad dheeraad ah iyadoo wajiyadooda laga dareemayey dareen gaar ahaaneed u saameeyay,
Mar aanu la xidhiidhney Abdirisaq Abdullahi (Sheekhaawi) oo ah Gudoomiyaha Ardeyda wax ka barata University Malaysia Perlis, ayaa Qurbejoog.com uga waramay shucuurtiisa, waxaanu yidhi” “Runtii waan ku faraxsanahay in Qurbejoog.com Ardey ahaan nala soo xidhiidho, Maanta warkaas markaanu maqalney iyada oo aan Maalmahanba la soconney haddan shucuur gooni ah ayey nagu lahayd, oo waxaa inoo furmey albaab qaali ah, sababtoo ah hadii ay wax bilowmaan waa halkaa ay ka bilowmeen, kanna waa bilow fiican oo Shacbi waynaha reer Somaliland meel walba oo ay joogaan dareen farxadeed ku leh..
Abdirisaq Abdillahi Sheekawi oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: waxaan Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Dadwaynihii sida hagar la’aanta ah uga soo shaqeeyey arintan manta ugubsatey ee quluubtayada ka farxisay waxaanan leeyahay waa tusaale fiican oo aad nagu hogaaminaysaan dariiqa lagu guulaysan karo”
Waxa kale oo halkaas qurbejoog.com kula kulantey qaar ka mid ah Ardeyda ku nool wadankaasi Malaysia, Ahmed Hassan Aden oo ah ardeyda dhanka qadiyada Somaliland ugu firfircoon ayaa si shucuuri ku dheehantey ugu cel celiyey inay tani tahay wax taariikhi ah, Taariikhdina Maanta bilaabantey ayna tahay su’aal Ardeyda soo koraysa ee reer Somaliland bari la waydiin karo, Taariikhdii iyo Magaaladii ugu horreysay ee Somaliland Ictiraafkeeda lagaga dhawaaqo, taas oo ah 02-04-2014 Magaalada Sheffield.
Haddaba waxa is weydiin iyo su’aal leh arinkani halkaas ma ka sii socon doonaa mise Gobolkaa Sheffield ayuu ku eekaan?

Qurbejoog.com
Malaysia

Comments are closed