|

Guddoomiyaha Guddida Gaadiidka Baarlamaanka Soomaaliya oo dhaliilay shirkada Turkiga ah ee wada dayactirka Dekedda Muqdisho

Muqdisho April 02,2014(SDN)-Kulan ay dhawaan yeesheen guddida baarlamaanka Soomaaliya ee Gaadiidka ayaa la iskula soo qaaday hawlaha dayactirka ah ee ay shirkad Turkiga laga leeyahay ka wado Dekedda Muqdisho.

Shirkadan Turkiga ah ayaa uu Guddoomiyaha Guddida Aadan Dhuxuloow ku eedeeyay in aaney habooneyn sida shirkaadaasi u wado hawlaha dayac tirka Dekedda Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in dayactirka dabadii ay shirkada Turkigu la wareegi doonto maamulka dekedda Muqdisho.

Waxa sidoo kale jira walaac ku saabsan in kolka la dhameystiro dayactirka dekedda Muqdisho in shaqaale looga dooni doono isla markaana shaqaalaha haatan ka hawlgala la fasixi doono.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed