Wadaad Kenya caan ka ah oo lagu dilay Maxkamad Horteed iyo xiisad ka dhalan karta
Kisauni April 02,2014(SDN)-Wadaad ay hore ugu eedeeyeen Mareykanka iyo Qaramada Midoobey in uu yahay Xag jir taageera Al Shabaab ayaa lagu dilay duleedka magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Sheekh Abubakar Shariif oo Makaburi loo yaqaano ayaa isaga iyo sheikh kale oo la taagan lagu hortoogtay Maxkamad ku taal duleedka Mombasa oo dhegeysaneysay dacwad lagu soo oogay.
Sheekha oo ahaa ka ugu caansan aagaas ka dib toogashadii lagu khaarejiyay Sheekh Cabuud Rogo sanadii 2012kii ayaa dilkiisa sababi doona kacdoono hor leh oo dhex mara Muslimiinta iyo Masiixiga dalkaasi.
Sheekh Makaburi iyo ruuxa kale ayaa la toogtay iyaga oo sugaya gaari ka qaadi lahaa maxkamada horteeda.
Police ka ayaa goobtii ka qaaday meydadka una diiday in ay ku wareejiyaan taageereyaasha Sheekha oo goobta ku ururay.
Dad goobjoog ahaa ayaa saxaafada u sheegay in ay arkeen meydka Sheekha oo raasaasi kaga taalo oogada iyo madaxaba.
Waxa lagu arkayay gawaari la saaray cod baahiyeyaal waaweyn oo maraya degaanada Muslimiinta Kenya oo laga baahinayo dilka Sheekh Abubakar Shariif oo Makaburi looyiqiinay.
“Walaalkeen Makaburi Allaha u naxariisto,geeri geesinimo leh ayuu geeriyooday”ayaa laga lahaa cod baahiyaha.
Dilkan khaarejiska ah ayaa circa ku shareeri doona xaalada kacsan ee degaanada Mombasa oo Muslimiintu ku badan yihiin.
SDN-Kisauni