|

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo lagu Wado inuu Maalinta Beri ah ka Dego Magaalada Shafield

London 01.April 2014 (SDN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Ayaa Ku Sugan Dalka Ingiriiska.

Photo Fille

Photo Fille

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Socdaalkiisa Uu Ku Jooga Dalka Ingiriiska Ka Bilaabay Magaaladda Dubai Ee Xarunta Isu Taga Imaaraadka Carabta Ayaa Lagu Wadaa In Uu Kulan Balaadhan La Yeesho Jaaliyada Reer Somaliland Ee Birmingham  Iyo Waliba Taageereyaashiisa Iyada Oo Maalinta Berri Ahna Uu Xaadir Ku Noqon Doono Magaalada Shafield.

Magaalada Shafield Ayaa Lagu Wadaa In Lagaga Dhursugo Natiijada Cod-Bixin Ay Golaha Deegaanka Ee Magaaladdaasi U Qaadi Doonaan Qadiyada Madax Banaanida Somaliland.

Cod U Qaadista Golaha Deegaanka Ee Magaaladda Shafield Ee Dalka Ingiriiska Ayaa Waxa Si Weyn Uga Soo Shaqeeyay Inta Badan Amaanteedana Iska Leh Jaaliyada Reer Somaliland Ee Iyagu Halkaasi Ku Sugan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ilo Wareedyo U Dhuun Daloola Socdaalkiisu Ayaa Sheegay In  Marka Uu Dhamaysto Booqashadaasi Uu Ku Tagay Magaalooyinka Dalka Ingiriiska Qaarkood Ka Qayb Geli Doona Kulan Balaadhan Oo Uu Ugu Xog Waramayo Taageereyaasha Xisbigaasi Uu Ku Leeyahay Dalka Ingiriiska.

Si Kastaba Ha Ahaatee Dalka Ingiriiska Ayaa Waxa Isugu Tagaya Maalmaha Soo Socda Xubno Ka Tisan Xukuumada Iyo Waliba Saraakiisha Ugu Saraysa Xisbiyada Mucaaradka Ah.

London SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed