|

Guuxii Telefishanka Qaranka oo Dib u Bilaabmay Iyo Xilal uu Maareeyuhu ku Taxay Jufada uu ka soo Jeedo.

Hargaysa 01.April 2014 (SDN)-Waxaa Kaanboolka Wasaarada Warfaafinta Mar kale ka Curtay Guux hor leh oo ka duwan kuwii hore,Isla markaana ka unkamay Xilal uu Maareeyaha Telefishanka ay Madaxtooyadu maamusho Mr Khadar Cali Gaas u magacaabay raaska hoose ee uu ka soo jeedo.

Maareeyaha Telefishanka QarankaSida aanu ku helayno Wararka waxaa  sidoo kale Jira dhaqdhaqaaq beeleed oo ay sameeyeen Qaybo ka mid ah Shaqaalaha Telefishanku kuwaas oo ka dhiidhiyay kadib markii uu maareeyuhu ka Jaray Qaybo ka mid ah Mushaarooyinkii ay Shaqaalahaasi qaadan jireen kuwa kalena uu ka reebay Gunooyin la siinayay Shaqaalaha amuurtan ayaa Sababtay sida ay Warku Tilmaamay in Xubno door ah oo ka tirsan Shaqaalaha Qaybaha Telefishanku ay Cabasho u Gudbiyeen Marwada Madaxweynaha Aamina Sh.Maxamud Jirde iyagoo u bandhigay Tacadi iyo Hagaardaamooyin uu kula Kacay Maareeyaha Telefishanku, Shaqaalahan ayaa ku doodaya in Maareeye Khadar C.Gaas uu dagaal hoose ku soo qaaday isagoo u cadeeyay inuu ka aargoosan doono maadaama sida uu u sheegay ay ka soo hor jeedeen Xiligii uu Khilaafku soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse .

Dhanka kale Maareeyaha Telefishanka ay Madaxtooyadu maamusho ayaa labadii Todobaad ee Tagay Magacaabay Xubno ay ehelo dhaw yihiin kuwaas oo uu qaarkood u dhiibay Jagooyin ay hayeen Xubno shaqaale ah oo ka soo Jeeda Marka si kale loo dhigo beelaha darafyada, Kuwaas oo uu u Qoray Gunooyin Sad Bursiimo ka Muuqdo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaan ilaa iminka aanay dhaqan gelin Wareegto uu Telefishanka ku hoos keenay Wasaarada Warfaafinta taas oo uu u Gudbiyay Golaha Wakiilada oo ah Qaabka Miisaaniyada Telefishanka loo hoos geeyay Wasaarada maadaama aanu Jirin Xeer uu ku Shaqeeyo.

Waxaa kale oo Maareeyuhu si Cad u diiday in loo Cadaalad Sameeyo Shaqaalaha Goobta uu Mas’uulka ka yahay iyadoo ay Jirto in Laba qof oo Shaqaale ah oo Shaqo isku Mid ah Qabta uu Midna qaato Lix Milyan ka Kalena uu Hal Milyan Bishii u Xaadiro, Sidoo kale Xukuumada ayaan ilaa hada Xal buuxa ka gaadhin Khilaafka mar walba ka dhex bilaabma Xayn daabka Wasaarada Warfaafinta oo Obocdiisu tahay Wadar iyo Waaxid iyamaa Waalan.

Maareeyaha waxa uu  sameeyey qaybta afka carabiga ee tv-ga waxa uu shaqaale u qortey 8 qof oo dhamaantood ah raaska uu ka soo jeedo, halka geesta kalena uu qorey 15 qof oo shaqaale cusub ah oo isla beeshiisa u dhashay. kuwaasoo aqoon  iyo baahi shaqo midna lagu xulan

Maareeye khadar cali gaas waxa uu seddex qof ku soo kordhiyay baahinta dibeda la hadasha ee satellite-ka waxaa shaqaalahan u u qorey lacago kala duwan oo eexasho ku jirto, midka mid ah shaqaalahaas oo ay isku reer yihiin waxa uu qaataa 3 milyan halka labada kale oo ka aqoon badani ay qaataan 1,200,000 sl/sh.

Maareeyuhu weli waxa u la dagaalamayaa dadkii aqoonta u ahaa TV-ga  ee ka soo jeeday beesha uu ka dhashay haseyeeshee diidey hab maamulka khadar cali gaas, shaqaalahaas waxa ka mid ah khadar maxd cakule oo uu gunadii ka jarey, xasan shaah, iyo isaaciil maxd cakule madaxa editorada TV-ga qaranka oo dhowr jeer ugu hanjabey inuu eryayo, sidoo kale waxa uu si siman u olaadiyey dadka aqoonta badan leh ee dhamaan ka tirsan bahda caanka ah ee soo saarayaasha TV-ga.

Maareeye khadar cali gaas waxa uu caajugleyn joogto ah ku hayaa madaxda wararka ee xiligan isagoo doonaya inay wararka oo dhan ay lacag ka ururiyaan xataa kuwa dawlada, waxa sidoo kae uu fadhiid ka dhigey qaybta barnaamijyada oo muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee Waxay Ishu eegaysaa In Kacdoonkan ka dhex Jira Telefishanka Qaranku uu soo dedejiyo in Madaxweynuhu Go’aan rasmi ah ka qaato iyo inuu la mid noqdo Sidii kuwii ka horeeyay ee Xal la’aanta ku dhamaaday.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog Office

Comments are closed