|

Ciidamada Amaanka ee Kenya oo Xabsiyada u Taxaabay 657 Qof oo Somali u badan

Nairobi 01.April 2014 (SDN)- Ciidanka ammaanka Kenya ayaa howlgal ay maanta ka sameeyeen xaafadda Eastleigh ee Nairobi waxay ku qab-qabteen 657 qof oo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin falal ka dhan ah ammaanka.

Lenku-II-300x184Ciidanka ayaa howlgalka billaabay kaddib markii qaraxyo fiidkii Isniinta ka dhacay xaafadda ay ku dhimatay lix qof, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacantay.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in howlgalka socda uu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka xaafadda Eastleigh, uuna socon doono ilaa laga soo qaban doono kuwa geystay weerarka qaraxyada.

Ole Lenku ayaa ka codsaday dadka ku nool Nairobi inay booliska ka caawiyaan sugidda ammaanka iyo soo sheegidda cid kasta oo lagu tuhmayo inay wax u dhimeyso nabadgelyada.

Nairobi SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed